Roman Abramovich oo iibinaya kooxda Chelsea kadib cunqabateyn loogu hanjabay

Ganacsadaha u dhashay waddanka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa Arbacadii sheegay inuu iska iibin doono kooxda kubada cagta ee Chelsea, 19 sano kadib, wuxuuna ballan qaaday in uu lacagta kasoo xaroota ugu deeqi doono dhibbanayaasha dagaallada ka dhacay dalka Ukraine.

Iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada loogu baaqayo Abramovich in lagu soo rogo cunaqabatayn kadib duullaankii Ruushku ku qaaday dalka ay deriska yihiin, ayaa ninka awoodda iyo saameynta badan wuxuu bayaan uu soo saaray ku sheegay in iibka ay dani ugu jiro kooxda haysata horyaalka kubbadda cagta Yurub iyo adduunka.

“Xaaladda hadda jirta darteed waxaan qaatay go’aan ah inaan kooxda iska iibiyo, maadaama aan aaminsanahay inay taasi dani ugu jirto kooxda, taageerayaasha, iyo shaqaalaha ” ayuu yidhi Roman Abramovich.

Waxa uu u sheegay kaaliyayaashiisa in ay samaysteen mu’asasad samafal oo lagu shubo dhammaan dakhliga saafiga ah ee iibka kooxda, si loogu caawiyo dadka reer Ukraine ee dhibaatadu heysato.

Maalqabeenka u dhashay waddanka Swisserland Hansjoerg Wyss ayaa u sheegay warbaahinta in uu ka fikirayo in uu Chelsea ka soo iibsado Abramovich.

Abramovich waxa uu kooxda ka dhisan Galbeedka London ku iibsaday 140 milyan oo gini sannadkii 2003-dii, waxaana maal-gelintiisa ay si weyn uga qayb qaadatay xilli ciyaareedkii ugu guulaha badnaa taariikhda kooxda oo ay kula guulaysteen shan koob oo Premier League ah, shan FA Cup ah iyo laba jeer oo Champions League ah.

Iibsashadiisa kooxda waxa ay ka caawisay in ay wax ka bedesho muuqaalka kubada cagta Ingariiska iyada oo Chelsea ay jabisay ceegadii ay ku hayeen Manchester United, Arsenal iyo Liverpool.

Tan iyo duulaankii Moscow ee Ukraine, Britain waxay cunaqabatayn ku soo rogtay 12 xubnood oo ka tirsan madaxda Ruushka iyo Belarusian, oo uu ku jiro madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyo ugu yaraan 12 bangi iyo shirkado kale.

Reuters.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker