Hooyo lagu eedeeyay dilka wiil yar oo ay dhashay ayaa la ogaaday in ay xanuunsanayso
MINNESOTA OWN)- Xafiiska xeer ilaaliyaha degmadda Stearns ayaa sheegay in hooyo Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay dishay wiil yar oo ay dhashay ayna wajahaynin hadda eedeymaha lagu soo oogay ee la xidhiidhay dilka wiilkeeda.
Fardoussa Abdillahi oo 27 sanno jirta ayaa la ogaaday in ay xanuunsantahay, sidaa darteedna aanan maxkamad loo taagi karin hadda dilka ay u geystay wiilkeeda.Hooyadan Soomaaliyeed ayaa bishii November 28-keedii ee sannadkii hore 2021 magaaladda St. Cloud ee gobolka Minnesota ku dhishay wiil yar oo ay dhashay, wiilka yar ayaa jiray 3 bilood iyo bar.
Haddaba markii la ogaaday xaalada caafimaad ee Fardoussa Abdillahi ayaa hakad la geliyay dacwadii lagu soo oogay ee la xidhiidhay dilka wiil keedaa. Qareemadda Xafiiska xeer ilaaliyaha degmadda Stearns ayaa sheegay in ay dib u eegaan dacwada ka dhanka ah hooyaddan, waa haddii ay xaaladeeda caafimaad wax iska badalaan.




