“Xisbiga WADDANI Waa Inuu Caddeeyo Mowqifkiisa Ceebaha Dul Hogganaya “Xisbiga KULMIYE
Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa madax-da Xisbiga WADDANI u soo jeediyey inay caddeeyaan mowqifkooda halka ay ka taagan yihiin,waxa ay ugu yeedhay ceebo iyo fadeexado dul hogganaya Xisbigaas, kuwaas oo uu sheegay KULMIYE inay bulshada reer Somaliland ka dheragsan tahay.
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Buuni oo arrintaas ka hadlay ayaa tallooyin nasteexa oo la xidhiidha fadeexadaha uu sheegay in ay dul hogganayso Xisbiga WADDANI u diray madax-da sare ee Xisbigaas, wallow aannu caddayn waxay tahay,balse haddana si dad ban ayuu farta ugu fiiqay masuul ka tirsan Xisbigaas, kaas oo uu si gaar ah u calaamadiyey.
Cabdinaasir Buuni oo arrintaas ka hadlaya ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Xisbiga WADDANI Ceebta iyo arrimaha dul hogganaya dadka reer Somaliland wey ka dheragsan yihiin in aad waxaas u faah-faahisaan oo halka aad ka taaggan tihiin aad u sheegtaa,waana wax-yaabaha dib u dhigaya raxmadda illaahay fasaadka noocaas ahi iyo kuwii ku eedaysnaa ee maanta dhibtaas gallay ay dadka iskaga dhigayeen inay jecel yihiin oo kolba islaan iibsanaysa gacansigeeda intay dul taggaan isku soo sawirraya ,waar shacbigani waxaas wuu ka ilbaxay ka Ganacsiga darreenka dadkunu maalin ayuu ahaaa,waxa aad tihiina waa la oggaaday ,waxaad ummaddii idin dooratay ugu abaal gudeena wa la oggaaday.”
Waxa uu intaas ku sii darray afhayeenka KULMIYE “Kuwaa ummada xumaynaya ee dambiyadda ummadda ka gallayna illaahay waxaan ka baryayaa in ay iyaka ku eekaato,Xisbiga WADDANI maanta ceeb ku filani wey dul tallaa ,kuwa dambiyadda waa weyn ummada ka gellay ayaa illaa maanta hortaagan ,kuwa noocaas ahna waxa aan leeyahay iska fogeeya..”




