UK Oo Sheegay in Ruushka Ku Dhaqaaqay Talaabo Muujinaysa Duulaanka Ukraine

Xoghayaha caafimaadka ee UK ayaa sheegay in Ruushka ay durba u direen taangiyo iyo ciidamo gudaha dalka Ukraine, taasoo muujineysa duulaan.

Sajid Javid ayaa u sheegay Sky News sidan: “Waxaan ku soo toosnay maalin aad u madow , marka loo eego waxa aanu arkayno ee socda, way cadahay in ruushku go’aansaday inuu weeraro Ukraine”

“Waanu aragnay inuu aqoonsaday goboladan bari ee ka go’ay dalka Ukrain, waxaa hada muuqata inuu u soo diray taangiyo iyo ciidan badan, markaa waxaa iska cad in duulaanka Ukraine uu bilaabmay” ayuu sii raaciyay.

Ra’isulwasaaraha Dalka UK ayaa la filayaa in uu arrintan ka hadlo sacaadaha soo socda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker