Muwaadiniin Golaha Wakiillada JSL u gudbiyey dalab la xidhiidha Muwaadin muddo hore loo gudbiyey dal shisheeye

Aqoonyahan Axmed Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee inta badan Arrimaha Bulshada u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegay in dalab ay ku saxeexan yihiin in ka badan Boqol Qof ay maanta u gudbiyeen Masuuliyiinta Golaha Wakiillada iyo Guddiyada qaabilsan arrin ay ku sheegeen Muwaadin wakhti hore loo gudbiyey dal shisheeye in baadhitaan lagu sameeyo.
Axmed ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku baahiyey waxa uu yidhi: “Liis ka kooban 102 qof oo reer Somaliland ah oo dalbanaya in Muwaadinka reer Somaliland ee dalka shisheeye loo dhiibay in Goluhu xukumada waxka waydiiyo ayaanu saaka u gudbinay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, iyo Guddiyada arrinkaasi khuseeyo oo kala ah Guddiga Cadaalada iyo Xuquuqal Insaanka, Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Arrimaha Dibada iyo Xoghayaha Golaha Wakiilada”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker