Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida oo sheegay in ay fashiliyeen Afgembi

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in ay ka hortageen isku day Afgambi kaasi oo la doonayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Mustafe Cagjar.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in โ€œciidamo ka soo horjeeda nabaddaโ€ ay isku dayayaan in ay afgambiyaan dowladdii la doortay.

โ€œKooxaha nabad diidka ayaa wada qorshe ay ku afgambinayaan dowlad goboleedka. Waxay isku dayeen inay nabadda khalkhal galiyaan oo ay dadka kiciyaan, gobolkana khalkhal galiyaan oo ay xoog ku qabsadaanโ€ ayaa lagu sheegayย  WarSaxaafadeedka.

โ€œIyadoo ay socdaan dadaallada dowladda deegaanka Soomaalida iyo shacabka ay ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa abaarta, ciidamadani waxay qorsheeyeen inay khalkhal galiyaan gobolka, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dadka Itoobiyaanka ah inay gacan naga siiyaan soo celinta kala dambeyntaโ€ ayaa sidoo kale lagu sheegay Bayaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker