Shir-guddoonka Wakiillada Oo Madaxtooyada Kala Hadlay Xaaladda Labada Wasiir Ee Dhegaha Ka Furaystay

Xubnaha Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan gaar ah waxa ay Madaxweynaha Somaliland kala yeesheen xaaladda ka dhalatay laba xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kuwaasi oo diiday sida ay Golaha wakiiladu hore ugu eedeeyeen in ay ka soo qayb galaan kulamo loo yeedhay.

Dorraad galinkii hore ayay ahayd markii xubnaha shir-guddoonka Golaha Wakiilladu isku shubeen qasriga Madaxtooyada iyada oo qorshuhu ahaa in ay Madaxweynaha kala soo hadlaan xaaladdan khilaafka cakiran ka dhex dhalisay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Guddi hoosyaadyada Golaha Wakiillada kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wasiirrada Wasaaradaha Gaashaan dhigga iyo Qorshayntu ay iska dhago mariyeen yeedhmo uga timid qaar ka mid ah guddi hoosaadyada Golaha Wakiillada ooh ore ugu yeedhay si ay su’aalo uga waydiiyaan shaqada ay qaranka u hayaan ugana gutaan waajibkooda dastuuriga ah taasi oo ugu dambayn noqotay arrin aanay waxba ka hir galin kadib markii labadaasi wasiir dhegaha ka furaysteen yeedhmo kasta oo uga timid Golaha Wakiillada.

Xubnaha Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee Madaxtooyada tagay ayaa la sheegay in ay Madaxweynaha u gudbiyeen wax-ka qabashada labada xubnood eek a mid ah Golihiisa Wasiirrada ee diidday in ay Guddiyada Golaha Wakiillada hor yimaaddaan taasi oo aan wali la caddayn waxa ay Madaxweynaha kala kulmeen iyo sida ay labada dhinac xal uga gaadheen xaaladda labadan Wasiir ee ay Shir-guddoonka Wakiilladu kala xaajoonayeen Madaxweynaha.
Ma jiro war rasmi ah oo kulankaasi ka soo baxay balse Ilaha xogogaalka ah ee aanu warkan ka helnay waxa ay noo xaqiijiyeen in Madaxtooyadu muddo u qabatay xaaladda labadan Wasiir oo midkood safar dibadda ah ugu maqan yahay kaasi oo ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mudane Cumar Cali Cabdillaahi halka uu isagu dalka joogo Wasiirka kale ee diiday in uu golaha hor yimaaddo oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid).

Guddi hoosaadyada Golaha Wakiillada Somaliland qaarkood gaar ahaan kuwa ay shaqada labadan Wasiir Khusayso ayaa dhawaan sheegay in ay Wasiirrada Gaashaan dhigga iyo Qorshayntu diideen am aka dhago adaygeen in ay hor yimaaddaan guddidyadaasi taasoo keentay in uu Wasiirka Gaashaan dhiggu dorraad ka jawaabo eedahaasi halka Wasiirka Qorshayntu uu isagu ka mid yahay Wefti ka kooban, Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Dr Ciise Kayd, Wasiirka horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga JSl Md. Siciid Sulub Maxamed, kuwaasi oo ku sugan waddanka Taiwan oo ay ka helaan casuumad rasmi ah lana kulmay intii ay joogaan Madaxwaynaha waddanka Taiwan haweenayda lagu magacaabo Tsai Ing-Weng, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Taiwan. Golaha Wakiillada ayaa sharci ahaan u yeedha xubnaha xukuumadda oo ay wada shaqayni ka dhaxayso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker