Gabdho Mataano Ah Oo Isku Dhegsan Oo Xal U Helidda Noloshoodu Walaac Weyn Ku Hayso Waalidkood

Labadan gabdhood ee mataanaha ah iskuna dheggan ee lagu kala magacaabo Marieme iyo Ndeye waxay mucjiso ku noqdeen dhakhaatiirta. Lama fileynin in ay sii noolaadaan maalmo yar ka badan – balse bishii August ee sannadkii la soo dhaafay ayey iskuul ku biireen. Waxay asal ahaan ka soo jeedaan Senegal, waxayna hadda ku nool yihiin magaalada Cardiff ee dalka Britain iyadoo dhakhaatiirta ay mucjiso ku noqotay sida ay u sii korayaan. Aabahood, Ibrahima Ndiaye, wuxuu ku tilmaamay “halgamayaal” iyagoo guul ka sii gaadhaya nolosha.

Markii hore dhakhaatiirta ayaa Ibrahima kala hadlaya go’aanka ku saabsan in la sameeyo qalliin lagu kala saarayo gabdhaha, kaasoo halis galin kara noloshooda, gaar ahaan horseedi kara iney dhimato Marieme ama in la iska dhaafo oo ay labadooduba isla dhintaan. Ibrahima iyo labada gabdhood ee walaalaha ah ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin. Mataanahan isku dhaggn, ayaa dadaalka loogu jiro iney nolol helaan wuxuu sababay in laga qaado Senegal oo la geeyo oo la geeyo Wales Marieme, midda dagan, ee ilkaha quruxda badan leh. Iyo Ndeye, oo aad u iftiimeysa cod macaanna leh. Aabahood, Ibrahima – waa nin wajahaya qaadashada go’aanno aanan qaadashadoodu aysan suurta gal ahayn. Mataano isku dhagan – oo ay u badan tahay noocooda inaadan arkin. Tiro aad u yar oo kaliya ayaa dhalata sannad walba, iyadoo intooda badan ay caloosha ku dhintaan, ama isla marka ay dhashaan ka dib. Marieme iyo Ndeye, iyagu waa kuwo jidkaas marin. Iyagoo jira labo sano iyo siddeed bilood, waxey ku nool yihiin magaalada Cardiff, waxaana wehliya aabahood, Ibrahima Ndiaye, oo 50 sano jir ah, isagoo kasoo raacey waddankii ay ku dhasheen ee Senegal. Wuxuu ahaa safar adag, iyadoo qoyskani ay dhaaftay noloshoodii barwaaqeysneyd, halka haatan ay ku nool yihiin hotel iyo cunto yar oo la siiyo. Gabdhahani haatan way bad qabaan, laakiin balaayo ayaa soo socota. Wadnaha Marieme waa mid aad iyo aad daciif u ah, weyna dhiman kartaa.

Haddii ay taasi dhacdo, walaasheed Ndeye, oo iyada ka tabar roon way la dhiman doontaa. Wakhti xaadirkan, mataaneyaashan maalin kasta wey sii korayaan noloshana way u sii macaanaaneysaa. Laakiin sanadaha soo socda gudahood, kala doorasho aan lagu fikiri karin ayaa lasoo hor dhigi karaa Ibrahima. Ma wuxuu dhakhaatiirta qalliinka u fasixi doonaa iney isku dayaan kala saariddooda- taasoo halis galineysa nolosha labada gabdhood, gaar ahaan Marieme? Mise labada gabdhood ayuu aqabali doonnaa iney si wadajir ah u dhintaan?
Magaalada Dakar – caasimadda dalka Senegal. Waa magaalo xeebeed weyn oo dhacda galbeedka qaaradda Africa, taasoo Ibrahima uu ku heystay nolol wanaagsan.

Wuxuu ahaa maamulaha mashruuc hirgalay, wuxuuna ka shaqeyn jiray abaabulka safarrada fasaxa iyo xafladaha ka dhaca guud ahaan gobolka, inta bandanna wuxuu howlahaas u sameyn jiray dalxiiseyaasha Faransiiska iyo Ingiriiska ah.Waa aabaha carruur qaan gaar ah, kuwaasoo ay u dhashay xaaskiisa koowaad, sanadkii 2015-kiina, xaaskiisa labaad ayaa uur qaadey. Ibraahim ayaa sheegay in “baadhitaan uurkeeda lagu sameeyay uu muujiyay gabar”, “Hal gabadh oo qudha”. Xitaa markii ay xaaskiisa qeybta umulinta tagtay saddex isbuuc ka hor inta aysan dhalin, waxaa lagula taliyay in qalliin looga umuliyo maadaama uu aad u weynaa uurkeedu, mana jirin wax qeyrul caadi ah oo la filanayay balse markii dambe ayaa la ogaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker