Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Wadahadallada u socda Madaxda Itoobiya iyo TPLF ?
Qaramada midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inay mira dhalan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallagada TPLF oo muddo ka badan sanad ku dagaallamayey waqooyiga dalkaasi.

Official Portrait
Ku xigeenka Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Amina Maxamed oo kasoo jeeda dalka nigeria ayaa waxay booqasho ku soo martay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigray oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen.
Amina oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa waxay sheegtay marka loo eego dagaalki waqooyiga Itoobiya ka socda mudda ka badan sanad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo yaryar oo meelaha qarkood ka dhaca.
“Haadda xaalku meel fiican ayu marayaa, wadahadallada socdana si wanaagsan ayey u socdaan weyna sii socon doonaan” ayey tidhi.
Amina inta ay booqashada ku mareysay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigray madaxda deegaannadaasi waxay ugu baaqday iney colaadda joojiyaan oo miiska wadahadalka ay u soo noqdaan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterez wuxuu maalmo ka hor sheegay dhinacyadi ka qayb qaatay dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday ku dhawaad 15 bilood rabitaanka nabadda ee ay dhawaan muujiyeen inuu soo dhaweynayo.




