Milateriga Burkina Faso oo Gadoodan Ayaa la sheegay inay xidheen madaxweynaha dalkaas

Madaxweynaha Burkina Faso, Roch Kabore, ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen askar ka tirsan ciidamada gadoodsan.

Qaar ka mid ah ciidamada ku sugan dalka Galbeedka Afrika ayaa dalbaday in shaqada laga eryo taliyayaasha ciidamada xilli rasaas laga maqlay agagaarka madaxtooyada iyo caasimadda Ouagadougou.

Hase yeeshe, dowladda ayaa beenisay wararka sheegaya afgambiga militariga ama in madaxweynaha la xidhay, Farriimo lagu baahiyey barasha bulshada ayaa sheegay in madaxweyne Roch Kabore la xidhay laguna baddalay sarkaal ka tirsan ciidamada lugta oo magaciisa lagu sheegay Corneel Paul Henri Sandaogo Damiba, inkasta oo aan warkaasi weli la xaqiijin.

Mar sii horreysayna shacabka magaaladaasi deggan iyo wariyeyaashuba waxay sheegayeen iney maqlayaan rasaas dhaceyso iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo magaalada dul heehaabaya.

Madaxweyne Roch Kabore waxaa shacabka iyo ciidamada qalabka sidaba uga imanayey cadaadis ku aaddan iney dowladdiisu ku guul darreysatay wax ka qabashada kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker