Dawladda Mareykanka oo baadhaysa Soomaali loo haysto musuq-maasuq

Illaa afar hay’adood oo ay ugu horeyso Hay’adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa wada baadhitaano ku aaddan tuhun ka dhashay hay’ado maxali ah, oo la sheegayo inay lunsadeen dhaqaale ay Dowladda Mareykanka ugu talagashay in lagu gargaaro carruurta, xilligan COVID-19 uu jiro.

Warbaahinta Mareykanka ayaa hadalhaysa lacago mallaayiin dollar ah, oo laga shakisan yahay inay lunsadeen dad ka shaqeeya arrimaha samafalka ee Gobolka Minnesota, dadkaas oo Soomaali ay ku jirto.

Sida ay Warbaahintu sheegtay dadkan ayaa qandaraasyo la xidhiidha mashaariicda nafaqaynta ee carruurta ka qaatay Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaasi, si ay cunto qaybin ugu sameeyaan carruurta gobolkaasi, waxaana dadkaasi loo haystaa inay is daba-mariyeen laba boqol iyo soddon milyan oo lacagta Mareykanka ah ($230M). Lacagtan ayaa ahayd mid ka soo baxeysay khasnadda Dowladda Federaalka, lana hoos-geynayay Wasaaradda Waxbarashada, iyadoona wasaaradaasi ay qandaraas ahaan u siineysay kuwa wada shaqaynta la leh.

Baadhitaanada oo socda ayaa la sheegay in lagu ogaaday in dadkaasi qaarkood ay dalka Mareykanka iyo Magaalada Nairobi ka iibsadeen guryo qiimahooda lagu qiyaasay laba milyan oo dollar, qaar kalena ay tamashleen iyo dalxiisba u aadeen Magaalada Dubai.

Mustafe Maxamed Martin oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ee degan Gobolka Minnesota ayaa ka hadlay waxa uu yahay barnaamijka carruurta loogu talagalay, ee sida la sheegay la musuq-maasuqay.

“Barnaamijkan waxaa loogu talagalay dadka danyarta ah, gaar ahaan carruurta in lagu nafaqeeyo xilliga COVID-19 ama xilliga xanuunku jiro, maadaama ardaydii ka fariisatay iskuulada waxaa loogu talagalay in taakuleyn iyo gargaar la siiyo. Barmaamijkan waxaa markiisa hore soo saartay Wasaaradda Dhirta & Daaqa, dabadeedna waxay u sii gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, waxaana ka adeegsaday dadka samafalka ee isku xidha reeraha iyo Wasaaradda Waxbarashada.” Ayuu yidhi Mustafe Maxamed Martin.

Mustafe Martin ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu yahay barnaamij dowladeed oo qowmiyadaha dalkaasi oo dhan lagu caawiyo, isla-markaana aanu u gaar ahayn Soomaalida oo keliya.

“Barnaamijka waa barnaamij dowladeed oo federaal ah, Soomaali oo qura ma qaadato ee ummadda oo dhan baa qaadata, haddii ay noqoto Spanish, caddaan iyo cid kastaba way ka qayb qaadataa barnaamijka.” Ayuu yidhi Mustafe Martin.

Warbaahinta Mareykanka ayaa hadalhaysa magaca Soomaalida, iyaga oo ku eedeynaya inay lunsadeen lacagihii loogu talagalay in lagu gargaaro carruurta, waxaadna mooddaa in Soomaalida ay si gaar ahi u bartilmaameedsanayaan.

Mustafe Martin oo ka hadlayay sababta Soomaalida loo sumcad xumeynayo ayaa waxa uu yiri “Anaga waxa nalagu haysto waa qaybta lacag diritaanka weeye, qodobka ugu weyn ee nalagu haystaa waa lacag diridda.”

Mar uu ka hadlayay goorta uu baaritaanku bilowday iyo cidda sameynaysa ayuu yiri “Baaritaanka wax hadda bilowday maaha ee sanad buu socday, dadka Soomaalida waxay u haystaan dahab la iibsaday iyo waxaa inuu ka yimid ee kamuu imaanee, sanad buu soo socday. Hay’adihii samafalka ee bixin jiray cuntadan ayaa waxaa la arkay iyagoo lacag badan ay soo galeyso, dadka la baarayana waa dad ay lacag dowladeed soo gashay.”

Mustafe Martin ayaa intaasi ku daray “Waxaa baadhaya afar hay’adood oo FBI-da ka kow tahay, waxaa kaloo ku wehliya qolada la yidhaahdo RS-ta ee canshuur celinta, US Postal Service (USPS) ee isku dirirsta ka shaqeysa iyo qolo la yidhaahdo Marshals Service, afartaas hay’adood ayaa iska kaashanaya baaritaanka.”

Si kastaba ha-ahaatee Soomaalida Minnesota ayaa hadalhaysa baadhitaanka lagu hayo tiro Soomaali ah, oo qaarkood aad looga garanayo gobolkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker