Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Sidee Ayuu U Arkaa Heshiiska Muqdisho Ku Dhexmaray Midawga Yurub Iyo Dawlada Soomaaliya, Saameeyayna Berbera?

Gudoomiyaha-Xisbiga-Ucid-Sidee-Ayuu-U-Arkaa-Heshiiska-Muqdisho-Ku-Dhexmaray-Midawga-Yurub-Iyo-Daw… 2/5
Heshiiskan oo ku saabsanaa maalgelin uu midawga yurub ku samaynayo
horumarinta magaalooyinka Muqdisho Iyo Berbera ayuu gudoomiye Faysal ku
tilmaamay mid baalmarsan nidaamkii ay somaliland qaadhaanka kaga heli
jirtay midawga yurub.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Sidee Ayuu U Arkaa Heshiiska Muqdisho Ku Dhexmaray Midawga Yurub Iyo Dawlada Soomaaliya?
https://burcoonline.com/articles/87996/Gudoomiyaha-Xisbiga-Ucid-Sidee-Ayuu-U-Arkaa-Heshiiska-Muqdisho-Ku-Dhexmaray-Midawga-Yurub-Iyo-Daw… 2/5
Heshiiskan oo ku saabsanaa maalgelin uu midawga yurub ku samaynayo
horumarinta magaalooyinka Muqdisho Iyo Berbera ayuu gudoomiye Faysal ku
tilmaamay mid baalmarsan nidaamkii ay somaliland qaadhaanka kaga heli
jirtay midawga yurub.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay inuu jiro habkii ay somaliland taageerada
dhaqaale kaga heli jirtay wadamada yurub iyo caalamka intiisa kale balse ay
dawlada soomaaliya heshiiskan u isticmaalayso dacaayado ka dhan ah
somaliland.
Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in midawga yurub ay ka
sugayaan cadaynta ujeedada heshiiska ay la galeen dawlada soomaaliya ee
khuseeya magaalada Berbera balse aanu isagu ilaa hada hayn xog dhab ah
oo ku saabsan heshiiskan sabtidii lagu saxeexay magaalada Mudisho.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ka hadlaya heshiiska midawga yurub iyo
soomaaliya ku galeen Muqdisho ayaa waxa uu yidhi “Waxay ila tahay inuu wali miiska saaran yahay habkii gaarka u ahaa somaliland laakiin waxaynu u baahanahay inaynu cadaymo dheeraad ah ka helno midawga yurub aniguna intaas wax ka badan ma sheegi karo hada waana inaynu sugnaa inta aynu
midawga yurub ka helayno xaqiiqada dhabta ahi sida ay u jirto laakiin wixii ay
dawlada soomaaliya warbaahinta ka sheegtay waxay ahaayeen dacaayado
aan saamayn taban ku lahayn qadiyada somaliland.”
Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ka hadlaya arimo ku saabsan
doorashooyinka ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu warqad u soo
qoray xisbiyada khamiistii ugu dambaysay, todobaadkan gudihiisana si wadajir
ah ayaanu uga celin doonaa waxaanan filayaa in doorashooyinku ay sidooda u
socdaan ugu dambayna ay qabsoomi doonaan, guddida doorashadana
waxaan ka codsanaynaa inay sameeyaan jadwal cusub oo loo gudbin doono
golaha guurtida kuwaas oo kordhin doona mudo xileedka golaha wakiilada
iyaga oo ka duulaya jadwalkaas, waxaanan rajaynayaa inaanu arintaas si
dhakhso ah uga bixi doono.”ayuu yidhi gudoomiyaha Ucid oo u waramay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker