Maxaa kala Socotaa Taariikh Nololeedkii Madaxweynihii Hore ee Dalka Kenya. Daniel Toroitich Arap Moi oo Xalay Geeriyooday

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi, oo dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya ayaa xilka madaxweyne ku xigeenka qabtay sannadkii 1967-dii.

 

Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan.

 

 

Sannadkii 1978, waxaa Moi loo dhaariyay xilka madaxtinimada, waxaana Kenya uu maamulayay tan iyo 2002-da.

Moi waxaa uu ka tirsanaa xisbigii waagaas talada dalka hayay ee KANU, oo waxaa ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii isaga ka horeyay ee Jomo Kenyatta, arrintaas oo u sahashay in uu saameyn ballaaran ku yeesho maamulkii xiligaasi jiray ee uu ka tirsanaa.

 

 

Maalmihii ugu horeeyay ee Xukunkiisa, waxaa uu shacabka dalka Kenya ugu baaqi jiray in ay gacan ka siiyan sidii uu u dhisi lahaa dalka, oo waxaa uu caan ku ahaa hal ku dhigii caan baxay ee ”Nyayo”, oo uu marwalba doonayay in dalka lagu sii maamulo siyaasadihii Jomo Kenyatta oo ah aabaha dhalay Madaxweynaha iminka talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Moi waxaa Taliyaha ciidamada u ahaa Nin Soomaali ah

Daniel Toroitich Arap Moi waxaa xiligaas uu taageero badan ka heystay shacabka, waxaana la sheegaa in uu wax badan ka qabtay dhaqaalaha, waxbarashada iyo ammaanka.

 

 

Moi ayaa xilliyadii ugu horeesay xukunkiisa waxaa uu sidoo kale tagaeero ka heystay dalalka reer galbeedka, oo waxaa ay u arkayeen nin ka hortagi karaa nidaamkii shuuciga ee Soviet-ka oo xiligaas laga cabsi qabay in uu ku baaho geeska Afrika.

 

 

Inkastoo Maamulkii Moi uu gacan bir ah ku qabtay Kenya, hadana waxaa jiray rag ka tirsanaa militariga oo isku dayay inay xilka ka turaan.

 

 

Saraakiil ka tirsanaa ciidammada cirka ee milateriga ayaa sanandkii 1982 sameeyay isku day afgambi oo markii dambe fashilmay, kadib markii uu soo farageliyay Jeneraal Maxamuud oo ah nin Soomaali ah oo ka tirsanaa milateriga, kana soo jeeda gobolka waqooyi bari ee Kenya.

 

 

Tallaabadaas la doonayay in xilka lagaga tuuro Madaxweyne Moi ayaa la aaminsan yahay in ay horseeday in Moi uu la soo baxo dabeecado horleh, sidoo kalena uu noqdo kaligii taliye curiyaamiyay dimuqraadiyaddii Kenya.

 

 

 

Dad badan ayaa xiliyadaas loo taxaabay xabsiyada, waxaana xigay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, dilal lagu la kacay dadka aan la dhacsaneyn siyaasadihiisa iyo qabyaaladda oo ku baahday dalka Kenya, waxaana ereygii ahaa Nyayo oo micnihiisa uu yahay hore u socod, dad badanna marka ay maqlaan ay ku xusuusan jireen wadaninimada uu isu badelay mid dadka xusuusiya tacadiyada iyo jirdilka ay dowladda Moi kula kacday dadkii uu markaas u arkayay in ay mixnad ku noqon karaan dowladiisa.

 

 

MOI oo la dhaarinayo

Dowladaha ugu tunka weyna caalamka ayaa xiligaas joojiyay tagaeeradii ay siin jireen maamulkii madaxweyne Moi, waxaana cadaadiskii wadamadaas ay saareen Moi ay keentay in dalka Kenya uu sanadkii 1992 ka hirgalo nidaamka xisbiyada badan, hasayeeshee xiligaas ma aysan jirin mucaraad isku toosan oo awood leh, oo markale doorashooyinkii dhacay sanadihii 1992 iyo 1997 waxaa ku guuleystay xisbigii Madaxweyne Daniel Arap Moi, ee KANU.

Horaantii sagaashameeyadii, Madaxweyne Moi waxaa uu cadaadis kala kulmay dalalka iyo hey’adaha caalamka, kadib markii laga deyriyay musuqmaasuqa iyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee wadanka Kenya.

Xiligaas waxaa sidoo kale aad u liicay dhaqaalaha Kenya, waxaana dhibaatooyin badan oo is -biirsaday ay markii dambe keentay in uu lumiyo taageeradii ay u hayeen dalalka reer galbeedka, arrintaas oo horseeday in la takooro maamulkiisa.

 

 

Sidoo kale madaxweyne Moi waxaa aad loogu xasuusan doonaa dhowr xasuuq oo uu ka geystay Kenya intii uu xilka hayay, haba ugu darnaadaane xasuuqi ka dhacay Wajeer ee Wagalla, Garissa Gubay iyo Malkamari oo ka dhacay Mandera.

Dowladdii Moi waxaa ay xiligaasi ku raad joogtay dadkii aaminsanaa in deegaanadii la isku oran jiray NFD ay ka mid noqdaan Soomaaliya, Waxaana dadkaasi uu Moi ku tilmaami jiray kuwa burcad ah.

 

 

Ciidmadda Kenya ayaa dad lagu qiyaasay saddex kun oo qof ku laayay tuulada Wagala ee Wajeer.

Walow xasuuqi Wagalla uu noqday mid uur ku taala ah, oo xanuun badan ku reebay dad badan oo Soomaali ah ayaa hadana wali waxaa muuqata in tacadiyadii dhacay xiligii taliska Moi aanan waxba laga qabanin.

Moi iyo Kenyatta

Warbixin ay sanadkii 2013-ka soo saareen guddiga cadaalada iyo dib u heshisiinta ee TJRC ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay u caddaalad fasho, magdhawna siiso dadkii ay waxyeelada ka soo gaadhay dowladdii Madaxweyne Moi, walow warbixintaasi aanan la dhaqan gelinin ilaa iyo haatan.

 

 

Inkastoo Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi lagu tilmaamo in uu ahaa wadani keligii talis ah, oo Afrikaanimada na ay ku weyn tahay, ayaa hadana dad badan oo reer Kenya waxaa ay ku xusuusaan doonaa xumaan iyo wanaag si gaar ah u saameeysay qofwalba.

oi ayaa la filayaa in aas qaran loogu sameeyo Kenya maalmaha soo socda.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker