Haweenay isku Gubtay Xaafada Jig jiga Yar ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dab-demiska ayaa maanta xaafada Jigjiga yar ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa gurmad ugu fidiyay Gabadh is gubtay.

Ciidanka ayaa markii goobta ay gaadheenba , soo gaadhsiisay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu dabiibayo.

Waa dhacdadii labaad muddo bil ah oo ciidamada Dab-demisku u gurmadeen qof dab is qabadsiiyay magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dab-demisku waxay Gabadhaa u rajaynayaan caafimaad sareecana, in Alle u Booga dhayo. Sidoo kale wuxuu ciidanku bulshada uga digayaa wax kasta oo naftooda khatar galinaya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker