Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Oo Dalacsiiyey Askartii ka qayb qaadatay Banaanbaxa Hargeysa

Generaal Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa ku maaamuusay abaal marin iyo dalacsiin darajo askar ka tirsan ciidanka booliiska Somaliland oo saaka ka qeyb galayay sugida amniga barxadda beerta xoriyada ee Hargeysa.
4 askari oo ka tirsan saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo askariyad ka tirsan dawlada hoose ee Hargeysa ( 5 askari laba gabdhood iyo sadex nin ) ayaa taliyuhu caawa min hal darajo dalacsiiyay marka laga reebo askari Cabdirashiid oo laba darajo dalacay isagu.
Askartan ayaa saaka siweyn baraha bulshada u qabsaday iyagoo qoryahooda ku jeeni qaaran oo sugaya ammaanka barxadda dhanka kalena la damaashaadaya shacabkii kumananka kor u dhaafay ee ku sugnaa beerta xoriyada .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker