GABAY KALA MAAN

DALKA IYO DADKIISIYO CABDI MAANTA KALA
MAAN

 

 

ACW aad waxan halkan uga salmayaa saxafada
waxa la xaqiijinayaa inuu ninkan raamaha leh
uu ahaa askari ka qayb galay dagaalkii 1977
dagaalkii dhex maray soomaaliya iyo itoobiya
hadaba dhawaan markii xukunka oromadu ay la
wareegtay ayaa ninkan la soo daayay isagoo xidh
naa,41 sanadood ma huba inay dhacdadani run
tahay iyo in kale balse anigu sawir ahaan ayuun
baan maansada ku cabiray dibna runta waa la
ogaan ana xagayga waan war doon tagi

maansaduna isaga iyo dadkii ayay wada

hadashiinaysaa iyagoo gabayga isku dhex

waraysandoona macnaha laga fahmi doono

waxa kale uu hada ku sugan yahay ayaa la lee

yahay ninkan mudada badan xidhnaa magaala

da. gabiilay oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo

——————————————————————

sadaalaha aduunkaan iyana eebe yoom simine

sulla iyo gadaall iyo hadadan saacan aan joogno

sucdigiyo nuxuuskiyo ximruhu mee sal dhigi waaye

hadba falaga saxall meerayaa subaxba waa cayne

siniqsiga sidii diin nafsina soo habeen dhixiye

duul siyaado dheeraad qabaa sabanku taabtaaye

iyaduba sakaaradu is tidhi saaladeedd qariye

kala faagtay suubaanta iyo ciida siigada,e

balse saani way muuqataa saan yar digadeede

socon wayday been iyo waxay suuqa galiyeene

shayba sixirrka uu,iibsamuu sayladii jariye

sabadii maqaaliyo rugdood saamigood hele,e

laga saydh tikrayguna waxay sadoba haysteene

haday oromo sahall moodayeen kicisay suunaam,e

hubaal maanta taashkii saray maxada saarteene

cabdigii ka saahiday ifkana waa la saamaxay

haybtii soo bandhigidii dadkuna wuu ka saacidaye

abiyaa sakootiyay xabsina maca salaameeye

siisawbuu filayee hamarre gurada loo saarye

taraag saacad mood qudha cabdina suuq dhex marintiiye

sodii dhalashadiisii ku yimi socod gabiilaye

warran iyo salaan iyo makii sadar la waydiiyo

wuxuu yidhi sufuudhaha madaxa timahan ii soohan

ayaa sida su,aaha waxaad iga sugaysaane

naftu igama siib bixin dhulkana seel yarr ku lahaaye

dadkii safarka aakhiro baxay tayda simanyiine

wixii saymo aan maray hadana ruuxdu ii sudhane

taan ku seegay xaygana ahaydd qarankan soomaale

warr i siiya idinkaa sugnaa duni siraadnayde

iyadoon sill-siladd dheer wixii dhacayba sooyaalka

cidi aan xog badan siin ayaa loo sarbeeb dhigaye

sunaa bidixna waa loo jabshoo loo sanqadiyeeye

wax la yidhina soomaali wayn saaka taladeeda

siday tidhaa itoobiya ayaa lagu sarr gooyaaye

siyaad barena waatii la riday qaatay seeftuna

dawladiina sarifbaa ku dhacay shilin sidiisiiye

qoys kastaa astaan siday jibada saararr loo tumane

soksokaagan geedkaad fadhido  seeskan dhinacaagan

sadex midable calanka ahee samayda loo joojay

ayaa saami aan leenahoo teenanan guud sudhane

sumadeedu waa gooni, iyo laanta soomaale

afka gacanta saarana la yidhi oo la soco xaalka

wayeel hadallka waa loo sara saafan dabadeede

isaguna sareexada rayiga sheeg siduu qabaye

wuxuu yidhi sidii hore aniga magaca soomaali

siisanmaayo qorshaad wataan saatifnimadeede

sawgii haro garduurr hawdd halkiyo sugumo iyo doolo

soonihii hawaas iyo jigjiga seerihii herarrba

enefdhii sawaaxil dhulkuu saanyaduu qaatay

sabadii jabuutiyo bal-bala cali sabiix guudka

sadexdii maqnaan jiray is idhi waar siyaad qabaye

sareediyo iyo barwaaqiyo waxaa sadaba qoondeeyay

barray siday niyaysiyo bilaall soo ban dhigistiisa

isa seegii labadaa helee maan sidiqi waayay

salsalwayaya male waxaan suura galahayne

suurad taan ku haystiyo sidani waaba kala haabe

ka siqsiqayna soomaali iyo sabankay joogtaaye

awall horeba siiqbaan ahaa xidid sudhnaa,uune

warkan aad i siiseen qalbiga sii saliillyeeye

moogii ,ii sed roonaa godkiyo sakaradaydiiye

seeshii jeelki waa dhaami laydd dhaban shan saarkaye

saban-saban ka soo hadhay wadkana saadirbaa qoro,e

wax la hubana seefbaa la qiri malagg la seegayne

samirrna waan aqaanaa wax badan saymo soo maraye

ictiraafna idinkaa dhur sugi muuse soo sido,e

nin aaminay sumxaanbaa rabigu sare u qaadaaye

intaan saxayo tawxiidka, een lay sin dhigin iilka

meel uun sali yar waab ii dhigaay suubanaa jira,e

——————————————————————–

qisaduu ku soo baxay iyo dhamays tirka gabayguba waa

inoo jimaha danbe hadii rabi idmo

—————————————————————-

curiye ismaaciil faaliye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker