Ciidamo Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay In Xasuuq Ay Ka Geysteen Gobolka Tigray

Warar sheegaya in gabood-fallada ay askar Soomaali ka gaysteen dagaalka Tigray-ga Itoobiya uu tooshka ku ifinaya isbahaysiga milatari ee soo ifbaxaya ee wax ka beddelay Geeska Afrika, taas oo wiiqday saamaynta reer galbeedka ee gobolka istiraatiijiga ah.

Wargayska Globe and Mail ayaa helay goob-joogeyaal oo ka sheekeeyay xasuuq ay ciidamada Soomaalida ee ku dhex milmay ciidamada Ereteriya ay ka geysteen gobolka Tigray bilihii hore ee dagaalka.

Cadeymahan cusub ayaa keenaya su’aalo naxdin leh oo ku saabsan isbahaysi milatari oo qarsoon oo u dhexeeya Itoobiya, Eritera iyo Soomaaliya kaas oo dhimasho iyo burbur u gaystay gobolka Tigray ee ka fallaagoobay waqooyiga Itoobiya.

Si rasmi ah saddexda dowladood ayaa u diiday inay wax isbahaysi ah sameeyaan, waxayna Soomaaliya beenisay in ciidamadeeda la geeyay gobolka Tigray. Balse baaritaanka The Globe ayaa markii ugu horeysay faahfaahin dheer ka bixiyay dilal rayid ah oo ay geysteen askar Soomaali ah.
Gebretsadik, oo ah 52 jir beeralay ah oo ka soo jeeda tuulada Zebangedena ee waqooyi-galbeed ee Tigray, ayaa sheegay in waddooyinka boorka badan ee tuuladiisa ay daadsan yihiin meydadka wadaado madaxa laga jaray bishii Disembar, 2020, dhowr toddobaad ka dib markii uu dagaalka billowday.

“Wadaaddadii waxay ahaayeen dad la aqoonsan karo, waxayna askarta Soomaalida ah oo ka barbar shaqaynayay ciidamada Ereteriya ee tuulada qabsaday beegsadeen kaniisado waxayna ku dileen wadaaddada”.ayuu ninkan beeralayga ah.”Waxay u gowraceen sida digaagga,” ayuu u sheegay The Globe.

Ciidamada Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa tuulada ku sugnaa illaa dabayaaqadii bishii Febraayo, sida uu sheegay Gebretsadik, kaasoo u cararay kaymaha iyo buuraha ku xeeran tuulada si uu uga badbaado weerarro lagu soo qaaday xilligaas.

Globe waxay la hadashay daraasiin ka badbaaday oo goob joog u ahaa xasuuqii ka dhacay lix tuulo oo Tigray ah halkaas oo ay joogeen ciidamada Soomaaliya intii u dhaxaysay December, 2020 iyo dabayaaqadii Febraayo, 2021.

Dadka ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay wateen dareeska ciidamada Eritrea, balse ay si cad u garanayeen inay yihiin Soomaali, sababo la xiriira afkooda iyo muuqaalkooda. Si ka duwan Eriteriyaanka, kuma ay hadli karin tigrinya, luqadda lagaga hadlo Tigrayga iyo inta badan Ereteriya.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay sidoo kale maqleen ciidamada Eritrea oo ku tilmaamay inay yihiin Soomaali.

Sannadkii hore, Qaramada Midoobay iyo saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ay ku sugan yihiin gobolka Tigray, balse faahfaahin yar ayaa laga helay.

Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore dhowr banaan baxyo ka dhigay magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya, iyagoo ka cabanayay in wiilashooda lagu amray inay ka dagaalamaan Tigray-ga kadib markii markii hore tababar ciidan loogu diray dalka Eritrea. Boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalka.

Ilaa 10,000 oo askari oo Soomaali ah ayaa la geeyay Tigrayga, sida ay sheegeen saraakiil Itoobiyaan ah oo hadda iyo kuwii hore oo la hadlay The Globe.

Globe ma cadeyneyso shakhsiyaadka sababtoo ah waxay la kulmaan hanjabaad aargoosi ah oo faallooyinkooda ah.

 

Source: https://www.theglobeandmail.com/world/article-somali-troops-committed-atrocities-in-tigray-as-new-alliance-emerged/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker