Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo sheegay inaan Miisaaniyada Duuduub lagu ansixin

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Oo Sheegay In Aanay Jirin Miisaaniyad Duuduub Loo Ansixiyey, Balse 10 Milyan oo Dollar Loo Leexiyey Meelaha Baahiyaha Aasaasiga ah
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in aanay jirin Gole duuduub miisaaniyad ku ansixiyey, balse ay dhaqaale gaadhaya 10 Milyan oo dollar ay ka jareen meelo loo arkay in aanay muhiim ahayn, taasi beddelkeedana lagu daray goobo kale oo loo arkay in bulshada muhiim u yihiin, sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo ciidammada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlayey arrimahan waxa uu yidhi “Golaha Wakiilladu lacagtii ay Xukuumaddu doorashada ugu talo gashay Goluhu 20% ayuu kordhiyey oo halkii ay markii hore ahayd 4 Milyan oo dollar, waxa uu ka dhigay 5 Milyan.”
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo hadalkiisa waxa uu intaasi ku daray “Waxaan arkayey dad badan oo meelahaas ka hadlayey oo leh Goluhu duuduub ayuu ku ansixiyey Miisaaniyaddii. Goluhu duuduub kama anisixn miisaaniyaddii goluhu guddiyo ayuu leeyahay, oo guddidii dhaqaalaha ee u xil saarnayd hawl badan ayey ka qabatay, marka laga reebo mushaharaadka iyo kharashaadka hawl socodsiin ah, lacag gaadhaysa 10 Milyan oo dollar ayey u weeciyeen meelihii ay filayeen in tabasho ka jirto. Goluhuna wuu ku taageeray aqlabiyad ayuu ku ansixiyey soo jeedintii Guddida dhaqaalaha. Waxa kale oo uu Goluhu taageeray oo uu sii kordhiyey mushaharkii Ciidamada ee ahaa 20% Xukuumaddunu kordhisay, Goluhuna 10% ayuu ugu sii daray. Markaa masuuliyaddii na saarnayd waxa ka mid ahayd in miisaaniyaddu dhaqan gasho, madaama oo shaqaalihii, Doorashooyinkii iyo abaaro iyo baahiyo kale jiraan, si kuwaasi loogu dabool waxay ahayd in ay wakhtigeedii Golaha kaga gudubto. Markaas taas ayaa ahayd wax la iskugu hambalyeeyo ee wax ka baaqday Golaha ma jiraan. Wax duuduub lagu ansixiyeyna ma jiraan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker