Saddexdan qodob ayaan gaar ula baxay Doorashada uu xildhibaanka (Gavin Williamson)

Saddexdan qodob ayaan gaar ula baxay anigu. Adiga dhadhan noocee ayay kuu sameeyen.
1. “Sida xildhibaannadii hadalka iiga horreeyayba sheegeen. Somaliland waa nal dimuqraadiyadeed oo aan ku koobnayn geeska Afrika, laakiin Afrika oo dhan ka dhex iftiimaya. Doorashada uu xildhibaanku (Gavin Williamson) carrabka ku dhuftay ee 2003. Waxa madaxwaynennimada lagula kala wareegay 80 cod. Dooashadii dhawayd ee Maraykanka, haddii Donald Trump lagaga heli lahaa farqi u dhigma 80 kaa cod, dhibta ka dhalataa in ay mid si sahlan u dhammaata noqon lahayd uma malaynayo.”
-Xildhibaan Kerry McCarthy
2. “Xildhibaan (Kerry McCarthy) qodob muhiim ah ayay ka dhawaajisaye, haddii aynu nidhaa Somaliland iyo Somalia iyagu arrimohooda ha dhammaystaan. Waxa aynu go’aanka kama dambaysta ah iyo awoodda oo dhan gacanta u galimlnaynnaa, waddan aanay ka jirin nidaam doorashooyin oo xor ah (Somalia). Waddan aan lahayn nidaam sharci dajineed iyo mid caddaaladeed. Haddii aynu sidaa yeelno, si toos ah ayaynu u dhiiri galinaynnaa dawlad xumada. Kuwii iyagu dawlad wanaagga samaystay ee horumarka iyo qiyamka wanaagsan la yimi, oo ay ahayd in aynu garab istaagnana, waynu dabraynnaa.”
– Xildhibaan Gavin Williamsin.
3. “waxaan doonayaa in aan tusaale usoo qaato waddankii aan ku dhashay ee Bangladesh. Dawladdii Ingiriiska ee markaa jirtay waxa ay si toos ah u taageertay gooni isu taagga waddankii aan ku dhashay ee Bangaldesh oo markaa hagankiisii madax bannaanida kula jiray waddanka Pakistan. Dawladda Ingiriisku may odhan Pakistan ha go’aamiso gooni isu taagga Bangaladesh. Wasiirku miyaanu arkayn wax lala yaabo in ay tahay taa caksigeeda in immika la qaato, oo la yidhaa Somaliland iyo Somalia iyagu ha dhammaystaan hawlohooga.”
(Wasiirka ay la hadlaysaa waa Wasiirka arrimaha Yurub ee dalka Ingiriiska Chris Heaton-Harris oo golaha ku sugnaa, su’aalana arrinta Somaliland laga wayddiiyay.)
-Xildhibaan Rushanara Ali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker