Sarkaal ka tirsan Booliiska Suudaan oo lagu dilay banaan-baxyada ka socday Khartuum

Askari boolis ah iyo qof mudaaharaadayay ayaa lagu dilay dibadbaxyo cusub oo ka dhacay waddooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Waxayna booliisku ku dhawaaqeen in Sarreeye Guuto la dilay isagoo “ka  ilaalinaya mudaaharaadyada inay soo galan ama kuso dhawadan Qasriga Jamhuuriga” ee Khartoum.

Xafiiska warfaafinta ee Booliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Sarreeye Guuto Cali Brima Hammad la dilay isagoo ku guda jira howlihiisa shaqo, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Nawaaxiga madaxtooyada ayaa lagu arkayaa dad careysan oo sameenaya isku dayo umuuqda ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo u dhaxeeyay ciidamada amaanka iyo dadka banaanbaxa dhigayay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker