Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay Hanjabaadaha Ay Soo Saartay Dowladda Mareykanka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horreysay si dadban uga hadlay hanjabaadaha ay soo saartay Dowladda Mareykanka ee ku socday Madaxda Soomaalida.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay haddii aan lagu soo gaba gabeyn Doorashada xilliga ay ku heshiiyeen Madaxda Soomaalida ee ka billaabanaya 15 bishaan January oo ku beegan berri ilaa 25 bisha ina soo aadan ee February ay qaadi doonto tillaabooyin ay kamid tahay Xannibaad Fiiso.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in ay la socdaan baaqyadaasi, isla markaasna ay diyaar u yihiin in Doorashada ay ku soo gaba gabeeyaan waqtiga lagu heshiiyay.

“Maalin kasta waxaa soo baxaya hadalo nalagu xoojinayo oo sheegaya in aan waqtiga dib looga dhicin, waa mahadsan yihiin dadkaasi saxiibadeen ah, laakiin anaga waxaa la rabaa in aan waajib la iska saaro sidii ay doorashada u qabsoomi laheyd” ayuu yidhi Rooble.

Hadalkan ayuu Ra’iisul wasaaruhu ka sheegay xilli uu warbixin ku aadan doorashada u jeedinayay Golaha Wasiiradda.

Dhanaca kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Madaxda Dowlad Goboleeyda iyo Guddoonka Doorashada Somaliland in ay maalinta berri billaabaan sidii uu ku dhaqan gali lahaa jadwalka lagu heshiiyay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker