Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa in Xubin Doofaar lagu Beero Qof Bini’aadam ah?

Sayniska afka qalaad lagu yiraahdo xenotransplantation – oo ah in xubin laga saaro noole laguna tallaalo noole kale – ayaa waxaa looga gol leeyahay xallinta gabaabsiga xubnaha lagu beero bani’aadamka, waxayna dhaqaatiirta iyo baarayaasha cilmigan ku takhasusay ay isku howlaan baadigoobka xayawaanno laga soo qaato xubno ku habboon jirka bani’aadamka.

Toddobaadkan dhexdiisa ayay ahayd markii warbaahinta caalamka ay qabsatay tijaabada wadne doofaar oo lagu beeray bukaan ay xaaladdiisu liidatay oo u dhashay dalka Mareykanka.

Ninkan qalliinka lagu sameeyay oo lagu magacaabo David Bennett oo 57 jir ah, ayay xaaladdiisu geeri qarka u saarneyd.

Dr. Maxamed Mansuur Muxyadiin, oo ah dhaqtar u dhashay dalka Pakistan oo ka mid ah labada dhaqtar ee qalliinkan sameeyay, qudhiisana ah Muslim – balse ku nool heystana dhalashada Mareykanka – ayaa sheegay in shaqadiisa uu diiradda ku saaray badbaadinta bukaannada u baahan xubnaha muhiimka ah sida wadnaha iyo kilyaha, sida uu kasoo xigtay taleefishinka Pakistan ee Geo TV.

Dhaqtarka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ilaa 150,000 oo qof oo ku nool gudaha Mareykanka keliya ay sugayaan in xubno kale lagu tallaalo. Intooda badan bukaannadaas ayaa u dhimanaya xaaladdooda haddii aan loo helin xubin kale oo lagu beero, sababtoo ah ma jiraan xubno bini’aadam oo ku filan oo dhammaantood lagu wada talaalo, sida uu dhaqtarku sheegay.

Balse arrintan ayaa dood ka dhex dhalisay Muslimiinta adduunka, iyadoo diinta Islaamka ay xaaraantimeysay cunidda hilibka doofaarka.

Maxay diinta Islaamka ka qabtaa arrintan?

wadne doofaar
Qalliinka lagu sameeyay Baltimore, wuxuu qaatay in ka badan toddobo saacadood

Keliya diinta Islaamka ma mamnuucin cunidda doofaarka, ee sidoo kale Yahuudda ayaa xaaraantimeeyay doofaarka. Si kastaba culimada diinta Islaamka ayaa qaba inay jiraan xaalado gaar ah oo la eego.

Dr. Ibraahim Sheekh Maxamed (Dasuuqi) oo ah dhaqtar ku takhasusay xanuunnada wadnaha, isla markaana ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee ay dhaqaatiir Muslimiin ah baaraan sida xubnaha doofaarka amaba waxyaabaha kale ee laga soo dheegtay xayawaankan ay u leeyihiin caafimaadka bani’aadamka.

Wuxuu sheegay in xubin xayawaan lagu beero bani’aadam ay soo bilaabatay xilli fog oo haatan laga joogo 800 oo sano.

“Waxaa jiray nin la yiraahdo Khazwini oo qoray buug lagu magacaabo (Cajaa’ibal Makhluuqaat) oo af Carabi ah. Waxyaabaha uu sheegay waxaa ka mid ah in lafta doofaarka oo lagu kabo tan bani’aadamka ay si wanaagsan u qabsato, sida ugu dhaqsiyaha badan u korto una toosto. Marka isku dayadu wax hadda soo bilowday maaha,” ayuu yiri.

Wuxuu dhaqtarku sheegay inay sidoo kale jiraan tijaabooyin kale oo lagu ogaaday waxtarka uu doofaarku u leeyahay caafimaadka bani’aadamka, sida maaddada insulin oo ah hoormoon uu soo saaro beer-yaraha oo jirka bani’aadamka u oggolaanaya inuu nuugo uuna qaato sokorta, taas oo uu sheegay in dadka sokorta qaba makrii hore lagu mudi jiray insulin laga soo dheegay doofaarka iyo xayawaanno kale, kahor inta aan la sameyn mid bani’aadamka laga soo dheegtay.

Dadka sokorta amaba xanuunka macaanka qaba, jirkoodu ma qaadan karo sokorta maaddaama uusan beer-yarahoodu soo saareyn insulin, waxaana lagu mudaa insulin.

Marka la eego waxa ay diinta Islaamka ka qabto in xubin doofaar lagu beero bani’aadamka ayaa Dr. Dasuuqi wuxuu yiri: “Diinta Islaamka in la cuno hilibka doofaarka waa la xaaraantinimeeyay, aayado Qur’aan ah ayaa ku soo degay, waxaa waliba lagu tilmaamay inuu nijaas yahay. Marka xubin nijaas ah in qof bani’aadam ah lagu xiro diinta xaaraan ayay ku tahay, laakiin ayaa taalla oo ah in haddii ay timaaddo baahi ah qofka bani’aadamka ah maxaa lagu badbaadiyaa diinta Islaamka meel weyn ayay kaga jirtaa.

“Haddii tusaale aad weydo wax aad cunto baqtiga ayaa kuu bannaan, doofaarka laftiisa ayaad cuni kartaa. Marka xitaa Imaam Nabawi ayaa ka hadlay, markaas kadib ayaa laga hadli jiray, oo dhahaya in xitaa ruuxa ay nafta u go’ayso in lagu rakibo wax nijaas ah ay u bannaan tahay. Diintu way oggoshahay haddii la hubo in waxan ay faa’iido u leeyihiin qofka, wax dhibaato ahna aysan u keeneyn, haddii uusna helinna uu dhimanayo oo wax kale oo beddelkooda ahna la waayo,”.

 

Dhaqtarka ayaa sheegay in diinta Islaamka aysan sheegin sabab gaar ah oo loo mamnuucay cunitaanka hilibka doofaarka, oo aan ka ahayn inuu nijaas yahay, “Waxyaabo badan ayaa iska dhici kara oo laga yaabo in cilmiga marka uu horumaro uu fasiro. Waxaa dhici karta haddii ay caddaato inay isu dhow yihiin hidda-sidayaasha doofaarka iyo bani’aadamka, waxaa la dhihi kara sababta loo xaaraantimeeyay waa qof bani’aadam ah oo hilib bani’aadam cunaya ayay la mid tahay, maalintaas ayaa sidaa la dhihi karaa, laakiin hadda sabab la taaban karo ma jirto”

Kahor inta aan wadnaha doofaarka lagu beerin David Bennett, dhaqaatiirta ayaa sheegtay inay dhowr hidda-side ka beddeleen wadnaha xayawaankaas oo ka weyn kan bani’aadamka isla markaana ay ku jiraan waxyaabo u diidaya jirka bani’aadamka inuu qaato.

“Hiddo-sidayaasha hadda la beddelay looma beddelin inay nijaas yihiin, ee waxaa laga hortagayaa jirka bani’aadamka haddii wax aan isaga ahayn lagu rakibo wuu diidayaa wuuna dilayaa, marka sidii taas loo yareyn lahaa ayaa wax looga beddelay hiddo-sidayaasha wadnaha doofaarka,”

Sida ay sheegeen Dr. Dasuuqi iyo khubarrada caafimaadka kaleba, doofaarka ayaa noqday xayawaanka ugu dhow ee xubnihiisa lagu beeri karo bani’aadamka, kaddib markii la ogaaday in hiddo-sidayaashiisa ay u dhow yihiin kuwa aadmiga.

“Waxaa jira in daanyeerka nooca Bamboo-ga loo yaqaanno uu sidoo kale u dhow yahay bani’aadamka. Way jiraan sheybaarro badan oo adduunka ku yaalla oo isku dayaya in xubnaha xayawaankaas lagu sameeyo isbeddello si hadhow loo isticmaalo, taasna way socotaa, laakiin waxaa la arkay in waxa ugu dhow ee haatan la adeegsan karo uu yahay doofaarka.” Ayuu yiri Dr. Dasuuqi.

Maxay dunida Islaamka ka yiraahdeen?

Azhar University
Jaamacadda Azhar

Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Carabiya, jaamacadda diinta ee ugu weyn dalka Masar, Al-Azhar, ayaa bishii October ee sanadkii hore fatwa ka soo saartay in killi doofaar lagu beero bani’aadam.

Culimada jaamacadda ayaa sheegay inay diintu oggoshahay arrintaas, balse lagu xiray shuruud. “[Islaamku] wuu xarrimay in dawo ahaan loo isticmaalo wax walba oo dhibaato keenaya, oo nijaas ah [ama] la xarrimay,” ayay fatwada ku tiri Al-Azhar.

Si kastaba, fatwada ayaa intaa ku dartay in keliya haddii ay lagama maarmaan tahay, la oggol yahay in xubintaas lagu badbaadiyo nafta bukaanka.

Al-Azhar, oo ah jaamacad Islaami ah oo la aasaasay in ka badan kun sano kahor, ayaa ah mid ay ku hirtaan Muslimiinta adduunka.

Dooddan ayaa soo bilaabatay bishii October ee sanadkii 2021-kii, markaas oo dhakhaatiirta ku takhasusay qalliinnada ee ku sugan magaalada New York ay shaaciyeen n ay ku guuleysteen qalliin ay kellida doofaarka ugu rakibeen qof.

Xilligaas, qalliinkaas ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ku saabsan in xunbaha xayawaanka loo geliyo bani’aadamka.

Hase yeeshee, qofka kellidaas loo geliyay waxa uu ahaa mid maskaxda ka dhintay oo aan wax rajo ah ka qabin inuu soo caafimaado.

Bartley Griffith oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinnada, isla markaana wax ka fuliyay qalliinka wadnaha doofaark aloogu geliyay bukaanka Mareykanka u dhashay, ayaa sheegay in qalliinka noocan ah uu dunida kusoo kordhiyay “hal tallaabo oo loogu dhawaaday xallinta baahida badan ee ka jirta xubnaha la baddalo”, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay qaybta caafimaadka ee Jaamacadda Maryland.

Dad gaaraya 17 qof ayaa la sheegay inay maalin kasta gudaha Mareykanka ku geeriyoodan, iyagoo sugaya inay helaan qalliin loogu beddelo xubno kale, haddana waxaa lagu soo warramayaa in tirada dadka sugaya ay gaareyso in ka badan 100,000 oo ruux.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker