Sirdoonka Dawladda Iran o ka Dhex Toosay Sirdoonka Israa’iil Ee ShinBet iyo Sababta

Sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaan ShinBet ayaa xabsiga dhigay shan qof oo dalkaas u dhashay kuwaasoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Dawladda  Iran.

Kiiskan ayaa waxaa ku lug leh afar dumar ah Yuhuud ah oo asal ahaan ka soo jeeda Iran, kuwaasoo ShinBet ay sheegeen inuu shaqaaleysiiyay maamule sheeganaya inuu yahay Yuhuudi oo ku nool Iran.

Haweenkan ayaa la sheegay in la siiyay lacag kumanaan dollar ah si ay sawirro uga qaadaan goobo xasaasi ah, ayna ula socdaan sida ay u socdaan howlaha amniga, iyo inay xidhiidh la sameeyaan siyaasiyiinta.

Qareenada u doodaya haweenkan ayaa sheegay inanay garaneyn in ninkaasi uu yahay nin Iran u dhashay iyo in kale.

Laakiin ShinBet ayaa sheegtay in tani ay tahay kiis halis ah oo uu jiray qorshe la doonayay in lagu sameeyo shabakad basaasiin oo Iran ah oo ka hawlgasha gudaha Israa’iil “.

Rambood Namdar, ayaa la sheegay inuu dumarka kula xiriiray Facebook ka dibna wuxuuna muddo dhawr sano ah isaga isticmaalaya sida oo kale adeegga fariimaha qarsoon ee WhatsApp.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker