Siyaasi Axmed Nacnac Oo Ka Hadlay Xaaladdu Dalku Marayo

Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xidlhibaanadii hore ee Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaaladdu dalku marayo, gaar ahaan abaarta iyo maceeshada qaalig ah, waxaanu ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan arrimahan wax looga qabto.

Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),oo  yidhi “Abaaruhu aad bay dalka iyo dadka u saamayeen, gaar ahaan dhulalka miyida,dadka miyada degana xaalad nololeed oo adag bay ku jiraan ee in loo gargaaro, oo loo gurmado, oo wax la taro ayey inooga baahan yihiin, ee Dawladdu xilka iyo waajibka ka saaran dadkeeda ha ogaado, oo dhibaatada haysta ee ay abaartu ka mid tahay wax ha uga qabato, ta kale Ganacstada iyo dadkeena wax haystana waxaan ku boorinayaa inay qayb ka qaatan oo ay wax tartaan dadkeena ay abaaruhu hayaan”.

Mar uu ka hadlaayey Maceeshada wuxuu yidhi “Wax kastaaba qaali bay noqdeen, shay kastaba qiimihii uu hore u joogay ma joogo oo uu ka qaali garoobay, ee waxaan Dawladda leeyahay arintan wax ha ka qabato, maxaa yeelay dadkeenu dan yar bay u badan yihiin, mama qaadi karana culayska iyo sicir bararka hadda soo kordhay”.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker