Axmed Silaanyo & Dr Gaboose: Ka-nasashadii iyo ku-soo-noqoshadii siyaasadda ee isku sansaanka ekaa .

Ahmed Mohamed mohamoud (Silaanyo) oo ah siyaasi foolaad ah ayaa shaaciyay in uu Gabi ahaanba iskaga baxay siyaasadda iyo arimaha laxidhiidha una baahan yahay nasasho, Silaanyo ayaa u arkayay in uunu u banaanayn hal jaanis ah oo siyaasi ah madaama Madaxwayne cigaal kula jiray dagaal adag oo siyaasi ah Isla markaas ayuu silaanyo garawsaday in uu iska nasto.

Mudo kabacdi ayaa waxa dhintay AHUN Madaxwayne Cigaal oo laf dhuungashay ku ahaa Madaxwayne siilaanyo. Silaanyo oo u arkaya fursad siyaasi ah geeridi marxuum cigaal kabacdi, ayaa asaasay urur siyaasadeedka kulmiye. Madaxwayne siilaanyo ayaa bilawgiiba dagaal adag kala kulmay gudaha beeshiisa waxaana markaas loolan adag ka dhex waday beesha siilaanyo Saleebaan Maxamuud Aden (Saleebaan nuur) oo isku arkayay nin aan lagaga daba iman karin Beesha ay kaso wada jeedan silaanyo. Dagaal adag kabacdi siilaanyo oo wata beelaha kale ee reer somaliland ayaa soo qaatay Shaambada tolkiisa maadama Saleebaan nuur ahaa nin geeri go’an jooga oo tolkii uun haysta! Madaxwayne silaanyo oo wacdaro lama ilaawan ah ka dhigay golayaasha siyaasada Somaliland ayaa ugu danbayntii noqday Madaxwayne JSL .

Dr.Gaboose oo ah nin ay waayo badan wadaagan Siilaanyo iyo dhamaan SNM ayaa siyaasada Somaliland dhexdeeda ku maraya imtixaankaas mid lamid ah. Gaboose oo 2012 asaasay urur misaankiisa leh ayaa guuldaro madmadaw badan ku jiro kala kulmay loolankii ururada ee 2012 kadhacay Somaliland. Intaas kabacdi Dr Gaboose ayaa u baydhay in uu Somaliland waxtarkeeda si iskii ah uga qayb galo wuxuna galay nasasho siyaasi ah isaga oo asaasay Hospitalka Haldoor Oo ay ku baxday Malaayin dollar. Gaboose oo sii wata Nasashada siyaasada ayaa la arkay isaga oo bulshada u sheegaya in uu ka nastay guud ahan arimaha laxidhiidha Dhex galka siyaasada Somaliland .

Fursadi waa hayska lumin ee Dr.Gaboose ayaa shacbiga JSL gobol ilaa gobol ugu baaqayan in uu mar kale ka qayb galo tartartanka loo gali doona Ururada Siyaada JSL 2022 . Gaboose wuxu loolan adag kala kulmaya siyaasiyiinta beshiisa si lamid ah sidii silaanyo oo so jiidhay siyaasinta tolkii ugu danbayntii . Dr.Gaboose ayaa samayn kara wacdaro u eeg Kuwii silaanyo oo dhabaha u xaadha in uu noqdo Madaxwaynaha 6aad ee JSL .

W/Q Hanad A Yusuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker