Saxaafadda Turkiga oo hadal haysa magac ay iyagu leeyihiin oo loo bixiyo haweenka Soomaalida

Soomaalida iyo Turkey ayaa wadaaga taariikh soo taxnayd 500 oo sanadood ka badan tan iyo waayihii Cusmaaniyiinta, iyadoo uu Turkigu taageero siin jirey dagaalladii gobannimodoonka ahaa sida kii Daraawiishta, sida lagu qoray Daily Sabah.

Masaajiddo ay Cusmaaniyiintu dhiseen ayaa ku yaalla min Berbera ilaa koonfurta soomaaliya, iyadoo ay taasi keentay in ay labada dal yeeshaan saamayn dhaqan maadaama ay isku diin yihiin.

Wargayska ayaa qoray inay Soomaali badani Turkiga ku nooshahay kuwaasoo ka kala yimid Somalia iyo qurbaha, waxaana ku jira xirfadlayaal sida dhakhaatiir, injinneerro, macallimiin, ganacsato, weriyeyaal iyo dadka hay’adaha samafalka, kuwaasoo aad looga heli karo Ankara iyo Istanbul.

”Haddii aad doonayso inaad ogaato saamaynta Turkiga ee Somalida, arag magacyada gabdhaha Somalida,” ayuu yidhi Ahmed Osman, oo ah oday ku nool Muqdisho.

”Mid ka mid ah magacyada ugu caansan Somalia waa “Istanbul,” ayuu daba dhigay.

“Waxaan nahay dad uu xidhiidh diimeed ka dhexeeyo marka waan ku faraxsan ahay in dal Muslim ihi uu saamayn nagu yeesho halkii ay na saamayn lahaayeen gumaysiga Yurub.” ayuu ku dooday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker