Xisbiga WADDANI Oo Dhaliilo U Jeediyay Xubnaha Gudida Abaaraha

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhaliilo xoogan ku miisan Gudida Abaaraha Somaliland kuwaasi oo ay ku eedeeyeen musuq maasuq iyo Maamul Xumo, waxa kale oo uu dhaliilo ujeediyay Dawladda Dhexe oo sheegeen inay doorkeedii Gurmadka Abaaraha ka gaabisay.
Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu si gaar ah dhaliilo culus ugu jeediyay Gudida Abaaraha, Waxaanna uu yidhi “Waxaa jirta Gudi, Guddida Abaaraha la yidhaado, Gudidaasi sannaddadii u dambaysayba way shaqaynaysay, Gudidaa waxaa ku dhacda Lacag faro badan, sannaddii hore wixii lacag ku dhacday waynu ogayn, ee Ganacsatadu keentay, markii Roobku day’ayna waxay yidhaadeen adhi ayaanu iibinaynaa, halkii ay intii hore umadda dhiig joojin uga dhigi lahayeen, oo aanay dhiig baxooga la gaadhin”
Waxa kale oo uu yidhi “Maanta waxaynu ognahay in Gudidaasi lacago loo ururiyay,ha ahaato Baarlamaanka oo Mushaharkoodii ugu deeqay oo geeyay, ha ahaato dad kale oo ashkhaas ah, ha ahaato dawladda Tawain oo aynu arkaynay doraad lacagta ay u dhiibtay, waxaan filaynay ama aan eegaynay in Galinkii hore marka lacagtaasi loo dhiibo in galin dambe dadka ay la gaadhi doonaan, looguma dhiibi in Akawno loogu shubo, looguma dhiibi in Qorshayaal loogu sameeyo, in umaddu naftu ka baxayso Biyo loogu dhaamiyo iyo baad, waxa ay u gaadhana lala doonto”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Nasiibdaro may dhicin taasi, mana arkayno illaa hadda wax dadkii la gaadhsiiyay, Soomaalidu waxay tidhaa, Dhicisku inta mindida loo soo sido ayuu ka bakhtiyaa, Gudidaasi wax Xisaab celin ah oo wax loo dhiibo ah ma keenaan, waxaad moodaa in sida aynu Arafadda u sugno inay gudidaasi u sugto abaaraha, oo maalinta Roobku da’ayana ay yidhaahdaan Xoolo ayaanu ugu iibinaynaa baaqigii, waxaanu leenahay waar wixii la idiinku dhiibay umadda gaadhsiiya”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waxa tusaale inoogu filan oo aan inaga fogayn, oo abaartan mid darani haysaa, oo inaga deegaan balaadhan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad, waxaynu ognahay sida Mustafe Cagjar u maamulay dadkoodii Tuulo Tuulo, qololadeenu sida lacagta loo ururiyo ayay yaqaanaan, laakiin sida dadka loo gaadhsiiyo kama arkayno, waxaan xalay daawanayay hooyooyin Carruurtoodii dhabarka ku sita ee Dameeraha jirikaanaddu ku raran yihiin wata, ee Doonaya inay Meel biyo leh doontaan ee intay soo hungoobeen soo noqday ee Dhexdii fadh fadhiistay, lagana yaabee inay maantana ka bax baxdo naftu, maxay kuwaasi uga dhigan tahay lacagta Maanta lagu hayo Hargeysa, waxaan usoo jeedinaynaa inaanay Arafad Sugin, oo ay dadkaasi la gaadhaan. Dawladdeenii dhexe mahayno, Gudidii abaaraha mahayno” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker