Shaashadda TV-ga ee “la leefi karo” Cuntada Noocyadeeda kala Duwan

Shaashadda TV-ga ee “la leefi karo” taas oo ay tahay in ku soo gaadhsiiso dhadhanka cuntada ayaa waxaa sameeyay borofesar u dhashay Japan.

Barnaamijkan oo loo bixiyey Dhadhaminta-TV-ga, ayaa la isticmaalayaa toban qasacadood oo ay ku jiraan walxo dhadhan leh, kuwaas oo lagu dul shubayo shaashada, si ay dadka u dhadhamiyaan.

Professor Homei Miyashita oo ka tirsan Jaamacadda Meiji, ayaa soo jeediyay in loo isticmaali karo in lagu tababaro cunto-kariyeyaal meel fog kala jooga.
Marka suuqa lasoo dhigo TV-ga, wuxuu qiimo ahaan midkii lagu kala iibsan doonaa lacag dhan $875 doolar, sida la qiyaasay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker