Xubno Isku Beel Yihiin Wasiir C/Laahi Abokor Oo Doonnaya Inay Hantaan Mashruuca Dib U Dhiska Suuqa Waaheen

Khilaafkii huursanaa ee u dhaxeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Golaha Deegaanka ee Hargeysa ayaa sida foolkaanaha qarxay,kaddib markii ay labada dhinac isku weydaarsadeen war-baahinta haddalo kale duwan,kuwaas oo xaqiijiyey jiritaanka khilafkaas u dhexeeya Xukuumadda iyo Golaha Deegaanka Hargeysa .

Khilaafkan u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa ah mid salka ku haya qadiyadda dib u dhiska Suuqa Waaheen,waxaana xusid muddan in Xukuumadda Biixi ay doonnayso inay mooroorsato shaqada Dawlada Hoose ee dib u dhiska Suuqa Waaheen,halka ay xubnaha Dawladda hoose ku doodayaan inay iyaga shaqadoodii tahay,isla markaana aanay meel-na ka soo gellin Dawladda dhexe iyo wasaaradda hawlaha guud.

Wasiirka Hawlaha Guud ayaa isagu sheegay in nashqadaynta iyo dib u dhiska suuqa Waaheen ay iyagu leeyihiin,isla markaana qandaraaska ay u gudbin doonnaan guddida qandaraasyadda Qaranka”shaqadani shaqo Xukuumaddu qabanayso maaha, shaqo ay Dawladda hoose qabanayso maaha ,shaqada cidda qabanaysaa nidaam ayey maraysaa ,markay nashqadeeda samayso Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeyntu waxa lagu soo wareejindoonaa Guddida qandaraasyada qaran JSL, iyadaa waajibaad keeda sharci ka gudan doonta…”ayuu yidhi Cabdilaahi Abakor.

Sidoo kalena Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha ayaa isna shalay sheegay haddal u dhgnaa in wsaaradda hawlaha guud ay qabanayso dib u dhigska suuqa waaheen ”Madaxweynuhu wareegto ayuu ka soo saaray wasaaraddaha ku shaqada lihi arrintaas wey ka sii hawl-galleen Suuqayadda Waaheen oo kale ah ee gubtay ee dhammaan gobollada iyo magaalooyinka dalka ,waxa la faray wasaaraddaha ku shaqada leh oo ay kamid tahay hawlaha guud ay kamid tahay Wasaarada arrimaha gudduhu Suuqyadda qorshahooda dib ayaa looggu noqonayaa iyo hanaankooda ay u dhisan yihiin dib ayaa loogu noqonayaa wakhtigeedana wey imanaysaa “ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Dhanka kalene Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa qoraal ay arrintan ka soo saartay iyana ku sheegtay in marka la dhammeeyo nadiifinta Suuqa gubtay ee Waaheen inay bilaabayso dhismihiisa “Dhismaha suuqa waheen wajigii 1aad oo ah nadiifinta qashinkii ka soo hadhay dabkii ka kacay suuqa waaheen.Marka la dhameeyo nadiifinta suuqa waxaa si toos ah loo bilaabi doonaa qorshaha dhismaha suuqa waaheen oo aanu dhawaan bilaabi doono.

Eng. Cabdirisaaq Faarax Dalal, oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Caasimadda, ayaa sheegay in nashqadaynta suuqa waaheen uu sharcigu siiyey Golaha Deegaanka ee uu hormuudka u yahay Maayar Cabdikariim Axmed Mooge, isla markaana aanay jirin meel uga bannaan Wasaaradda Hawlaha Guud.”Hawlaha guud garan maayo waxay ku qabanayaa waxaan lagga codsan oo aanu Maayarku ka codsan,nashqadaynta suuqa iyo dhismaha suuqa waxa xaq u leh oo ka masuul ah dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, maaha in hawlaha guud faraha la soo gasho wax shaqadeeda ka baxsan.Dalka shuruuc ba kala xadaysay oo xeer-17 ayuu ku qeexanyahay..”

Isagoo intaas ku sii darray “Waxaanu gacanta ku haynaa fikirkii iyo nashqadayntiiSuuqa weyn ee waaheen annagoo ah Golaha Deegaanka ee caasimadda oo uu horseed noogu yahay hawshaa Maayarka Cabdikariin Axmed Mooge ,marka ay hawsha nadiifinta suuqa gubtay ee waaheen ay dhammaato, waxaanu iskugu imanaynaa nashqadayntii oo gacanta ugu jirta Dawladda hoose ee Hargeysa waanu la wadaagaynaa dadka gaarka ah ee ay guryahoodii ku gubteen Suuqa talladana qayb ayey ka ahaanayaan ,”ayuu yidhi Xildhibaan Wiiwaa

Waxa kale oo uu sheegay Xildhibaan Eng. Cabdirisaaq Faarax Dalal “Wasaaradda hawlaha guud xeer Lr 17 ayaa na kale xaddaynaya ,wax kale oo qaranka kale xadeeya xeerarka iyo dastuurka ,halkaas ayey ku cadday waxay qaban karrayaan iyo wixii aanay qaban karrayno..”ayuu yidhi Mudane Wiiwaa.

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa isku khilaafsan dib u dhiska suuqa Waaheen,kuwaas oo kale jiidanaya, waxaana eegna waa halka ay saldhigato xaajado in rabitaanka xukuumadda guullaysto iyo inuu jidka sharci ee ay Dawladda hoose ku taagan tahay uu adkaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker