Wasiirka Diinta JSL oo ka Hadlay gabadh Baraha Bulshada Marisay Hadal Muran Badan dhaliyay

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somailland mudane Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Al-baani, ayaa ka hadlay gabadh, baraha xidhiidhka bulshada marisay hadal muran badan dhaliyay, waxaanu sheegay in ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen kiiskeediina baadhistiisa gacanta lagu hayo.

Wasiir Albaani waxaa uu xusay in dhawaan ay bulshada la wadaagi doonaan waxa ka soo baxa baadhitaanka kiiska gabadhaasi.

Albaani isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Arrintaasi laamaha ammaanka ayaa ka hawlgalay, si fiicana way u socota qofka marka uu sameeyo wax khilaafsan anshaxa iyo diinta suuban, waxa la raba in ciddii u xil saarneyd ay ka hawl’gasho, waana laga hawlgalay, laamaha ammaankuna gacanta ayay ku dhigeen baadhis ayay wadaan.

Haddii ILLAAHEY yidhaaho wixii ka soo baxa dib ayaanu idinkala wadaagi doonaa, balse si wanaagsan oo guul ah ayay ku dhammaatay in aanu gacanta ku dhignay.

Ciddii hadda kadib isku dayda wixii anshaxa waxyeelaaya tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa, isla markana la horkeeni doono sharciga.

Bulshada waxa aanu ka codsaneyna in ay ilaaliyaan ammaanka waa in uu soo gaadhsiiya kuna soo simo ciddi ay tahay in ay wax ka qabato si aanay u dhicin fawdo ama wixii xumaanta ahaa ee la doonayay in laga hortago, ama la baabi’iyo wax ka weyni si aanu u dhicin”

Dhawaan ayay ahayd markii mid ka mida dhallinyarada hablaha ee ku nool gudaha magaalada Hargeysa ay ka soo muuqatay baraha xidhiidhka bulshada, iyada oo dalbaneysa in xeer u ogolaanaya loo sameeyo dhar xidhashadiisu ay gaar u tahay haween, si haddii ay suuqa ugu soo baxdo aanay fowdo ka dhallan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker