Turkiga oo sheegay inay duqaymo cirka ah oo ka dhacay dalka Ciraaq ku dileen illaa 23 dagaalyahan oo Kurdiyiin ah

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay inay duqayn dhinaca cirka ah ku dileen illaa 23 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta, ka dib markii ay hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyeen gudaha dalka Ciraaq.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay gobolka Asos ee ku yaalla dhinaca Woqooyi ee dalka Ciraaq, kaas oo xuduudda dalka Turkiga u jira illaa 140 KM. Gobolkan waxaa maamula, dawlad goboleedka Kurdistan.

Hulusi Akar, Wasiirka difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in weeraradan dhinaca cirka ah in lala bartilmaameedsaday illaa 16 goobood oo ku yaalla gobolka Asos ee dalka Ciraaq.

Turkiga ayaa duqaymo ka fulinayey dhinaca woqooyi ee dalka Ciraaq tan iyo sannadkii 2019, iyaga oo sheegayey inay bartilmaameedsanayaan kooxda PKK, si ay uga hortagaan weeraro ay kooxdaasi ka fuliso gudaha dalka Turkiga.

Kooxda PKK ayaa weeraro kala duwan ku haysay dalka Turkiga, tan iyo sannadkii 1984-kii, waxaana rabshadahaas ku dhintaan tobanaan kun oo qof. Turkiga, Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa ururkan u aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso.

Associated Press

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker