WARQAD FURAN OO KU SOCOTA U-TUYUUBATSE XAAMUD CALI CILMI.

Anigu shakhsiyan U-YUBES KA wacyi gelin ta iyo waxbaridda ee faaiidada ummadda u leh aad baan u dhegaystaa Ugana faaiidaystaa waayo waxaynu ognahay nahay oo BIYO kama dhibcaan ah in guud ahaan Somali ay doodi dhextaalo aad u xoogweyni oo weli saaxaddii aanay diyaar ahayn saba aha HORJOOGAYAASHA AWGEED. In Somaliland iyo Somalia doodi dhextaalo oo aan weli haabkeeda la hayn. In Culimada kala figradaa xambaarsan ee qaarkood dagaalka cid walba kula jiraan doodi dhextaalo aanay ogolayn Inay DIINTA Saxa ah ee kitaabka qudha ee quraanka ah wada sitaan HADANA bulshada horteeda waxaa  siya doodna ma ogola Inay wada galaan.

Somaliland iyo goboladeeda iyo qabiilooyinkeeda dood culusbaa dhextaalo oo xukuumada la wada leeyahay ma jirto waxaa ay ku socotaa HAB MUAAMARADA OO KASII DARAYA IYO HANTI BOOB XADHKAA GOOSTAY, khaasatan seddex MAAMUL goboleed ee diidan doorashada Somalia si aan ay Nidaamkii MAAMUL ee TPLF ugu sii socdo oo aan Xukuumadda Somaaliyeed waxay u arkaan (treat) ka joojinaya boobka iyo Musuq maasaqa. Dumarka iyo ragga Somaaliyeed dood baa DHEXTAAL OO RAGGII DUMARKII IYO CARUURTII WAY KUFSADAAN, DILAAN, IYO WIXII LA MIDA SHARCI U HADLAANA MA JIRO DAWLAD GOBOLEEDYADA.
Waxaa maqaalkan igu kelifay markii aan daawaday adigoo Inanta FANNANADDA U HADLAYA Safia Tusmo ee FANNANADDA ah ee ku dhibban Somaliland xadgudubka u weyni waa ka ninku u geystay ay guursatay iyo Bahalnimada ay xukuumadaa Somaliland kula dhaqantay siday bulshada kaleba ula dhaqanto ee xadhig, ciyaal Suuqnimo dil garaac aan sharci ahayn ugula dhex jirto ee iyadoo qudha ahayn.
MARKAA adigu XAAMUD ahaan reer dhan oon kiiska shaqo ku lahayn aad cambaarayn tiisa afka soo marisay. Xadiisyo badan baad soo daliishatay adigoo Aayado Quraan cagta dulmariyey. Quraanku wuxuu ku celceliyaa qofna qof kale Dembigiisa ma qaadayo. Reer sheekh Isaqaxaaq iyo Qarxajis baad afka ku balaadhisay oo kiiska labada isqaba ka DHEX dhacday. Haddaad imika qof dembiila ah baadi goobayso waa sax inaad address kiisa raadisaa, hadduu Magaalo joogo magaaladoo dhan lama caayo ee magaalada address ka UU ka jooga a la raadisaa. Sidoo kale qofka qabiilku waa u address oo qoyskiisa iyo caaqilkiisa ayaad ku helaysaa, dabadeed markaasaa kiiskii eedaysanayaasha loo garnaqaa laakiin adigu waxaa u badheedhay inaad Samaroon iyo Garxajis timaa isugu xidho maaha, oo aad kiis laba qof oo isqaba ka dhexeeya ayaad Siyaasad u bedesho maaha waayo (show)gaaga ayaa sidaa ku qiimo beelaya ee weligaa kala sooc kiis nin iyo gabadh iyo siyaasadda Somalida ee bulaacadda noqotay wadankiina ku baabaay.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker