“ Cabdirisaaq Khaliif Adeerkii Faratoon Ha U Tanaasulo , Hadii Kale …… ” Wasiir Qanbi

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryaynta Somaliland Mudane C.rashiid Ducaale Qanbi oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Boorama ayaa ugu baaqay Mudanayaasha Gollaha cusub ee Wakiilladu inay u doortaan Shirgudoonka golahaasi Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Xildhibaan Faratoon uu yahay Oday Mas’uul ah Mudo badana ahaa Xildhibaan ka tirsan Gollaha Wakiiladda Sidoo kalena uu mudo dheer soo ahaa Wasiir Xilal ka soo qabtay Xukuumadihii isaga danbeeyay taladda Somaliland Waxaa kale oo uu Xusay in Faratoon uu wax badan ka yaqaano Xidhiidhada Baarlamaanka Waxa uu Wasiirka Hawlaha guud Sheegay in Xildhibaan Faratoon uu maanta yahay Oday isku wadi kara Mucaaridka iyo Muxaafidka ku wada jira gollaha wakiillada.

Waxaa Kale oo Wasiirku sheegay in hadii Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon loo dooran waayo Gudoomiyaha gollaha wakiillada uu soo jeedinayo inuu booskaas buuxiyo Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo uu ku tilmaamay Garyaqaan iyo aftahan da’yar .

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryaynta Somaliland Mudane C.rashiid Ducaale Qanbi Waxa uu ku sifeeyay Xildhibaan C.risaaq Khaliif oo Jagadaasi u tartamaya inuu yahay Siyaasi mudo kooban ku dhex jiray Saaxada siyaasadda isla markaana qaab mucaaridnimo uga baxay Xukuumadii uu ka tirsanaa .

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Talo Waayeelnimo, Usoo Jeediyey Xildhibaan C/rasaaq Khaliif Axmed, Wuxuu Xasuusiyey Kaalinta Waalidnimo Ee Faratoon Ugu Toosanyahay, Wuxuuna ugu baaqay in aanu la Tartamin Adeerkii Sida uu Sheegay Wasiirku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker