Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu Ka Laabto Wada-hadallada Soomaaliya

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo hore uga mid ahaa xubnihii Somaliland uga qayb gali jiray wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in ay joojinayaan wada-hadalladaasi, inkasta oo muddo dheer la qabanin sababo jira awgood.

Faysal ayaa sheegay in wada-hadaladu ay dhaawaceen dedaalada aqoonsi-raadinta Somaliland, isla-markaana caalamku u fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay dib ugu heshiin lahaayeen.

“Maalin dhawaydna waan ka hadlay, sannad guuradii 30aad na qoraal ayaanu soo saarnay xisbi ahaan, anagu wada-hadalladaa waanu joojinaynaa haddii Alle yidhaahdo, wada-hadalladii horena khasaare ayay noo keenen, waxa loo fasirtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada-hadlayaan sidii ay u heshiin lahaayeen” ayuu yidhi Faysal oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaanu intaa sii raaciyey in haddii uu Madaxweyne Biixi ku raaci waayo go’aankooda ay wada-hallada ku joojinayaan, ay mooshin wada-hallada ka dhan ah horgayn doonaan galeyaasha baarlamaanka Somaliland “Arrintaasi waxay noo keentay in waddamadii na aqoonsan lahaa dib u joogsadaan, haddii uu Madaxweynuhu ku adkaysan waayona go’aan kaas baarlamaanka ayaanu horgaynaynaa, mooshin odhanaya hala joojiyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, haddaanu soo baxnana waanu joojinaynaa” ayuu yidhi Faysal “Madaxwaynuhu hadii uu ka laaban-waayo wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya waxaanu gayn-doonaa Baarlamaaka si ay uga laabtaan..”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker