Maayirka D/Gabilay Oo ka hadlay Go’aanka Maxkamadu ka soo saartay khilaafka Golaha Deganka Gabiley

Maayarka degmadda Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, ayaa ka dareen celiyay go’aanka ay maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay kiis isaga ka dhan ahaa oo ay gudbiyeen xildhibaanno ka soo hor jeedda.
Waxaanu sheegay maayarka Gabiley in go’aankaasi uu u arko mid sharci ah, iyadoo maxkamadu wajibaadkeedii gudatay, isla markaana uu u arko mid soo af-jaraya khilaafkii dhex yaallay golaha deegaanka Gabiley.

Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Gabiley, ayaa ku dhaliilay dacwadda ay xubnaha xildhibaanadda ah ee eedeeaha musuq maasuq isaga ku soo oogay in dacwadoodda aanay ahayn mid sharciyadda waafaqsan.

Isagoona ku sababeeyay in waraaqdda dacwadda ah ee ay xildhibaanadu u gudbiyeen maxkadda sare in ay ku socotay dalkoo dhan, iyadoo aanay xildhibaanaduna ahayn wakaalad dalkoo dhan haysata.

Geesta kale maayarka Gabiley ayaa ugu baaqay xubnaha xildhibaanadda ah ee isaga ka soo hor jeedda ee dacwadaha ka gudbiyay inuu isagu jecel yahay in mar walba golaha lagu soo noqdo, oo la wada shaqeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker