Duqa Magaalada Nairobi Oo Xabsiga La Dhigay

Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqad lagu soo xiray.

Booliska ayaa siyaasigan kasoo qabtay magaalada Voi, halkaasoo uu booqasho ku joogay.

Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji ayaa sheegay in Mr Sonko su’aalo laga weydiin doono halka ay ku maqan tahay lacag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loogu talagalay ismaamulka Nairobi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xafiiskiisa uu hayo caddeymo ku filan.

Xaaji ayaa dhanka kale booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqabad ku noqon kara baaritaanna la xidhiidha arrintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker