Gudoomiye Faysal Iyo Gudoomiye Xirsi Oo U Boqoolay Magaalada Nayroobi

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in ay labada Xisbi Mucaarad safar shaqo ugu baxeen Kenya, halkaas oo ay kula kulmi doonaan dalalka qaadhaan bixiyeyaasha.

Weftigan labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI ka kooban ayaa waxa kale hoggaaminaya Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan,iyadoo la sheegay in socdaalkooda Nayroobi uu qaadan doonno maal-mo kooban,waxaanay la kulmi doonaan mas’uulliyiin ka socda Waddamada iyo haya’dda Somaliland ka tageera arrimaha Doorashayoonka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey safarkan, waxa uu yidhi”Salaan qiimo badan ka dib, maanta labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani waxay safar shaqo ugu baxayaan magaalad Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo aanu kulamo kula yeelan doonno wadamada doorashooyinka inaga caawiya, si ay inooga taageeraan wixii miisaaniyada doorashooyinka inaga dhinma ama farsamo ah ee Komishinka Doorashooyinka Qaranku u baahdaan.”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga waxa uu ka hadlay sida muddada uu maqan yahay noqonaysa ku simaha Guddoomiyaha, waxaanu yidhi”Haddaba, sida xeerka xisbiga ku qoran, isla markaana ku cad wareegtadii kaltanka guddoomiye kuxigeennadu ay ugu simayaan xilka guddoomiyaha marka uu maqanyahay, waxaan ku faraxsanay in ay nasiib u yeelatay Marwo Milgo Maxamed Cilmi, taas oo laga bilaabo maanta ilaa inta aan safarka ka soo noqon doono ahaan doonta ku simaha guddoomiya xisbiga Waddani.

Allaa mahad leh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker