Halkee Ayuu Ku Dambeeyey Baadhitaankii Jaamacadda Barwaaqo Iyo Dugsiga Abaarso ?

Muddo hadda laga joogo laba bilood iyo maal-mo,ayaa ka soo wareegtay markii wasaaradda diinta iyo awqaafta war-saxafeed ay soo saartay ku sheegtay inay baadhis ku samaynayso tuhunnadii la xidhiidhay Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,waxaanay sheegtay in ay la kaashanayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa ugu baaqday Bulshada reer Somaliland inay dhawraan natiijada baadhista labada wasaaraddood ay ku baadhayaan tuhunnadaasi soo baxay ee ku saabsan Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,waxaanu u dhignaa qoraalka wasaaradda sidan:-“Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka”

“Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda Diinta 21 Ogos 2021-ka

Dhanka kalene Wakhtigaas wixii ka dameebey wax war ah kama ay soo saarin amuurtan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku saabsan halka ay u marayso baadhitaankii ay sheegeen inay ka waddaan Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,maddaama oo hadda muddo laga joogo,isla markaana ay Bulshadu weli dhawrayso halka uu ku dambeeyey baadhitaankaas.

Sidoo Kalena Shacabka reer Somaliland ayaa weli u dhegtaagaya natiijadda baadhitaankii ay 21 bishii Ogos 2021 Wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ay sheegtay inay ku samaynayso tuhunnadii la xidhiidhay Jaamacadda Barwaaqo iyo Dugsiga Abaarso..

Si kastaba ha-ahaatee ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo ku saabsan baadhitaankii tuhunnadii la xidhiidhay Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso,hase-yeeshee waxa uu u muuqdaa in uu ahaa mid ishaafalato ah, isla markaana lagu dejinayey xiisad markaas taagnay oo uu xumad jebin ahaa,waxayno dhawrnaa waa halka uu ku dambeeyo baadhitaankaas inuu noqdo mid bushada lagu dejinayey oo afka baarkiisa ahaa iyo inuu noqdo mid ficil ah oo natiijo nooca ay doonta ahaa laga soo saaro baadhitaanka Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker