Xaaladda CoronaVirus iyo mihnadaha is-shabbaha

Mar kasta oo xaaladi dal ku soo korodho cid walba waxa laga fishaa doorka ay leedahay inay qaadato, sababtoo ah waxa yimi wax ka weyn wax kasta oo kale oo lagu kala aragti duwanaa. Waxa timi masiibo aan kala aqoonin Xisbi hebel, qof hebel iyo qofaf kale toona. Cidda ugu badan ee wakhtiyada masiibooyinka noocan ahi ay dhacaan doorkoodu muuqdaa waa bahda Caafimaadka, bahda Warbaahinta, bahda siyaasadda iyo sidoo kale Culimada oo nolosheenna door weyn ku leh.
Dhakhaatiirta, Saxaafadda iyo Siyaasigaba waxa ugu badan ee laga doonayaa waa ‘Anshaxa mihnadaha’ (Siyaasaddu ma mihnad baa? Waa dood lagu kala aragti duwanaan karo). Inay bulshada wax u qabtaan waxa ugu horreysa ee laga doonayaa waa inay dabbaqaan anshaxa wacan. Ma rabo inaan aad u gudo galo anshaxa (Ethics) mid walba laga rabo amma mihnadahaasi dhigayaan, waxaanse hogo-tusaalaynayaa mid walba qodob iyo laba laga rabo.
1- Caafimaadka
Sugidda iyo dhawrista xogta bukaanku amma qofka looga shakisan yahay waa waxa ugu mudan ee laga rabo bahda caafimaadka. Duruuf kasta oo jirtana qaylo-dhaanta dayrada ah ee bahda caafimaadku samayso waxa igala quman xoojinta habka ugu habboon ee loo kobcin karo xogta muwaadinku ka helayo xanuunkan iyo sida ugu habboon ee uu isaga ilaalin karo.
2- Saxaafadda
Bahda saxaafaddu waa cidda bulsho wacyigeeda dhista. Iyadoo marka horeba ay ka reebban tahay inay faafiyaan war aan jirin amma xog aan la hubin, haddana way ka sii xag-jirtaa faafinta xogaha la xidhiidha caafimaadku ee ku-tiri-ku-teenka ah amma aan laga xiganin cidda ehelka u ah oo ah ‘Bahda Caafimaadka’ iyo gaar ahaan dhakhaatiirta takhasuska iyo aqoonta gaar ah u leh xanuunkan.
Si saxaafaddu u gudato waajibkeeda, waa inay qayb ka ahaataa dedaallada lagula dagaallamayo Coronavirus. Waxa ugu horreeya inaan qofna gacanta looga dhiibin cod-duubaha (Mikirifoonka), waa siyaabaha ugu fudud ee uu ku faafi karo Coronavirus. Ogow oo marka horeba sharciyan waa qalad in qof aad waraysanayso u dhiibto agabkaaga.
3- Siyaasiga
In loo guntado, loona midoobo dagaalka Coronavirus cid walba dan bay u tahay, mucaarid iyo muxaafadba. Sidaa darteed, doorka ugu habboon bay siyaasiyiintu qaadan karaan in la baahiyo farriinta iyo wacyigelinta muwaadiniinta.
4- Culimada
Maanta kama wada hadlayno kaalinta ay bulshada ku leeyihiin culimadu, hase ahaatee maanta doorka ugu mudan bay ka qaadan karaan arrintan. Waxa jira dad badan oo qalad fahmay Coronavirus oo qaarkood ay ku doodayaan, ‘Muslim baynu nahay oo innaguma dhacayo!’ Doorka culimada weeye in dadka loo sheego inaanu aqoon ‘Gaal iyo Islaam’.
Waa aragtidayda qoraalkani, ilaahay xaqa ha inna waafajiyo dhammaanteen, belaayadana ha inna hareer mariyo.
Barkhad M Kaariye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker