Dadka Soomaalidu ka midka tahay ee dadka lagu magacaabo Kuushiti (Cushitic)

Dadka Soomaalidu ka midka tahay ee lagu magacaabo Kuushiti (Cushitic), tiradoodu waa ilaa 80-90 milyan oo Oromada iyo Soomaalidu u gu dal iyo dad badan yihiin, wax ayna ka kooban yihiin ilaa 40 qolo oo ku badan Itoobbiya. Dadkan asalkooda fogi wax uu ka soo jeedaa dhulka Nuubiga oo ah daafaha webiga Niil ee Waqooyiga Soodaan iyo Koonfurta Masar, halkaas oo ay ku lahaan jireen ilbaxnimadii cimriga dheerayd ee Kuush oo in badan caasimaddeedu ahayd Marwo.
Kuushku maanta wax ay ku baahsan yihiin dalalka Soodaan, Erateriya, Itoobbiya, Soomaaliya, Jabbuuti, Kiiniya ilaa Tansaaniya. Afkoodu wax uu lee yahay qaab dhismeed midaysan oo weedhu u ka la horrayso fale, lafale iyo fal (subject, object, verb: adigu caanaha dhan). Wax ay kale oo afafkani wadaagaan shanta shaqal ee a, e i, o u, kuwaas oo shaqal dheerayaal noqda.
Hab-nololeedka dadyawgan waxaa u gu mudnaa raacato iyo reer guuraa, wax ayna dheefsan jireen hilibka, caanaha iyi dhiigga xoolahooda oo ka kooban geel, riyo, ido iyo lo. Reerahaa 40 qolo ah waxaa ka mid ah kuwan hoos ku taxan:
Kuushka Waqooyi (Soodaan): Beeja.
Kuushka Dhexe (Soodaan iyo Itoobbiya): Agaw.
Kuushka Bari ee buuraleyda Itoobbiya: Burji, Siidaamo, Kaambaata, Hadiya…
Kuushka Bari ee dhulka hoose: Afar, Saahuu, Sadenesh, Arboore, Oromo, Koonso.
Kuushka Omo-Tana (Kiiniya, Soomaaliya, Itoobbiya, Jabbuuti): Soomaali, Booran, Reendiille, Gabbre, Ceel Moole, Orma, Gaalla, Daholo iqk.

 

Ibraahin-Hawd Yuusuf Ahmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker