Hooyadii La Xoreeyey!

Waxay ahayd dhacdo dareen culus xanbaarsan, oo ka ilmaysiisay in badan oo aan ka mid ahay. Waxa uu ahaa gurmad meesha ka saaray, xaalad go’doon ah oo hooyadu in muddo ah ku sugnayd. Waxa ay ahayd hooyo, rajadeeda iyo qofnimadeeda ba la soo nooleeyey. Garab la’aan iyo gashi/deyn, ayaa garbaduub u xidhay, oo hayaankii nolosheeda hagardaamo ku noqday. In badan ayey gocasho iyo quus la joogtay, gidaarada dadka xorriyadda ka qaada gadaashooda. Waxa aniga si gaar ah ii taabtay, in hooyadaasi u gashiyowday badbaadinta ubadkeeda.

Nuura Maxamed Aw Cali, waa hooyada la xoreeyey ee hiilka heshay. Muddo saddex sano ah, waxay u xidhnayd gashi lagu yeeshay, oo ay is ka bixin kari weyday. Sida ay sheegeen dad xogogaal u ah xaaladdeedu, waxa ku go’day hagbad ay ururin jirtay, oo ay muddo dhawr iyo toban sano ah soo wadday. Sida la sheegay, ka dib markii aabbihii reerku xanuustay, iyada ayaa dusha u ridatay daboolista baahida qoyska. Hagbaddaa iyo dukaan yar oo ay furtay, ayaa noloshooda udubdhexaad u ahayd.

Halkan ayey ka bilaabmaysaa qaabkii loo xoreeyey hooya Nuura. Nin weriye ah, oo ku hubaysan kamarad iyo mikrafoon. Weriye Maxamed Andar iyo sawirqaade wehelinayey, oo ka tirsan telfishanka MM TV, oo xaruntiisa guud ku taallo magaalada Hargeysa. Si ay ku heleen ba xogta qoyska, waxay booqdeen halkii ay ku noolaayeen qoyska Nuura. Waxa yaab noqotay xaalladda ay la kulmeen ee ay soo gudbiyeen; lix carruur ah oo ku sugan xaalad aad u qallafsan. Waxay deggenaayeen buul yar oo loogu deeqay, oo ku ag yaalla meel biyamareen ah. Dadka la jaarka ahi waxay sheegeen in marka roobku da’ayo, in ay carruurta daadgureeyaan, si aanu daadku u qaadin. Baahi iyo balanbal, ayaa u dhammaaday saddexdii sano ee hooyadood xidhnayd, waxbarasho na hadalkeedaa daa!

Guddoon Maxamed Faarax, oo ah ininta carruurta ugu weyn oo ka hadlaysa noloshooda, ayaa tidhi: “Xaafadaha aanu jaarka nahay, ayaa noo keena oo naga caawiya wixii cunto ah. Waxa aanu ku nool nahay nolol aad u adag. Waxa aanu nahay lix carruura, oo ayeyday iyo abtigay na way na la joogaan.”

Waxa weriyaha loo sheegay in xadhiga hooyo Nuura yimi, ka dib markii ay si amaaha lacagtii hagbadda ee ay haysay ugu maalgelisay dukaan, ay rabtay in ay nololmaalmeedka carruurta ka soo saarto. Hasa yeeshee, ay lacagtii bixin kari wayday, oo dadkii lacagta lahaa ay dacweeyeen, iyadoo maxkamadi laba sano oo xadhig ah ku xukuntay. Waxay ku xidhnayd xabsi haweenka u gaara, oo ku yaalla magaalada Gabiley. Markii ay dhammaadeen labadii sano, waxay sii xidhnayd hal sano oo dheeraad ah (way muddodhaaftay). Waxay u eekayd na, in la sugayey in deynta laga bixiyo si loo sii daayo.

Gashigaasi waxa uu dhamaa $25,701 dollar. Markii uu telfishanku baahiyey, warbixintii ku saabsanayd xadhiga hooyo Nuura iyo xaalladdii cakirnayd ee qoyska. Waxay taabatay dadweyne ka la duwan, oo ku ka la nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba. TV-ga oo maamulayey lacagtii ay dadku ku yaboohayeen, ayaa waxa suurtagashay in muddo todobaad ka yar, xabsiga laga sii daayo hooyo Nuura, ka dib markii lacagtii la bixiyey. Hawsha sii deynta oo xidhiidhsanayd maxkamadda ilaa xabsiga, waxa iskudubbariday maamulka telfishanka. Waxa kale oo ay qabteen in ay carruurtii ka rareen buulkii yaraa, oo ay u kireeyeen guri sandaqad ah.

Markii hooyo Nuura laga soo daayey xabsiga ee loo soo gelbiyey dhanka guriga, waxa farxad aan la qiyaasi karin ku qaabilay carruurteeda, oo boholyow hooyo saddex sano qalbigooda shidayey. Waxa kale oo si laabfurnaan ah u soo dhaweeyey jaarkeeda, oo muddadaa ay xidhnayd ba tebayey. Waxa uu ahaa kulan majeerashadiisa leh, oo xusuusta ma guurtada ah ee waalid iyo ubadkiisa dhex mara gelaya. Waxa iyana culays baaxad leh ka degay, Guddoon Maxamed, oo ah curadda qoyska hooyo Nuura, oo iyadoo yar intii ay hooyadeed xidhnayd, duruuftu ku kalliftay in ay dhexda u xidhato daryeelidda, ilaalinta iyo korinta walaalaheed ka yar yar. Guddoon, Hadda da’deeda waxa lagu sheegay shan iyo toban jir, taa macnaheedu waxa weeye, markii hooyadeed la xidhay laba iyo toban jir ayey ahayd. Waxay soo martay saddex sannadood, oo masuuliyad culusi dusha ka saarnayd.

Mar haddii Nuura xabsiga laga soo daayey, oo ay noloshii dib u bilaabayso, waxa madaxda MM TV ku wareejiyeen lacag faraqabsi wanaagsan u noqon doonta. Lacagtaas oo qayb ka ah taakulayntii ay dadku ku soo caawiyeen, oo dhan $7943 doollar. Weriye Luqmaan Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta TV-ga, ayaa sheegay in dhaqaalaha hooyada lagu soo caawiyey uu ahaa $33,644 dollar; $25,701 lagaga bixiyey deyntii lagu lahaa iyo intii soo hadhay ($7943) oo lagu wareejiyey. Waxa kale oo ay hooyada ku wareejiyeen masuuliyaddii lacag ururinta iyo telfoonkii ay lacagtu ku soo dhacaysay, oo hadda wixii ka danbeeya qofkii lacag dirayaa uu hooyada toos ugu hagaajinayo.

Waxan bogaadin iyo mahadnaq u jeedinayaa bahda MM TV, oo Hooyo Nuura iyo qoyskeeda ba ka xoreeyey xabsi iyo xaalado nololeed oo ku gedaamnaa. Ilaahay ajar iyo denbidhaaf ba ha idiinku beddelo, hawshaa khayriga ah ee aad qabateen. Waxaad muujiseen karti iyo awood aad leedihiin oo aad ka shaqaysiiseen. Halkaa hawshaa ka wada, oo weli ba fiiro gaara u yeesha xabsiyada, oo ay ku jiraan dad u baahan in loo gurmado.

Hawshan oo todobaad ku gabagabawday, waa dhacdo i na baraysa, in dadku diyaar u yihiin in ay wax caawiyaan, oo taakulayntoodu wuxu taabbagelaysaa marka ay is la helaan: cid ay aaminaan iyo meel ku habboon oo ay ku bixiyaan. Runtii na baahi weyn ayaa loo qabaa in warbaahintu dadaal badan ku bixiso, soo bandhigista dadka ay duruufuhu halakeeyeen. Waxan xusuustaa mar aan hawl shaqo u joogay Oodweyne 2009, ayaa waxan arkay nin dhallinyaro ah, oo markaa dugsiga sare dhiganayey. Waxa uu ahaa naafo. Dugsiga oo qiyaas ahaan u jira hal kiiloo mitir, ayuu ku tegi jiray oo uu kaga soo noqon jiray labada gacmood, oo halkii lugaha u beddelay; baabacooyinka labada gacmood ayuu ku socon jiray. Markii aan arkay ba, waan naxay oo dadku na way iiga warreen xaaladda haysata wiilka. Inankii waan la kulmay oo waan wareystay, sawirro na waan ka qaaday, ka dib na waan baahiyey. Muddo yar gudaheed ba, si fiican ayaa loo caawiyey, oo gaadiidka naafadu ku socoto na waa loo iibiyey. Way jiraan kale oo baahnaa oo aan wax ka sameeyey oo la caawiyey, bal se waxan tusaalaha u soo qaatay, dadka dhibaataysan ee codkoodu aanu muuqan, warbaahintu ha u kuurgasho, oo wareysiyo iyo warbixino ha ka samayso.

Waxan ku soo afmeerayaa qoraalka, dawladda Somaliland xil baa kaa saaran dadka deynta loo xidho ee is ka bixin kari waayey, haddii ay maxkamadi xukun xadhig ah ku riddo, oo tusaale ahaan laba sano la xukumo, waa in marka uu xukunkiisu dhammaato qofka dib loogu noqdaa. Waa in uu jiro hannaan xal loogu raadin karo, qof gashiyoobay oo aan deynta is ka gudi karin. Halkii uu qofku jeel dhex fadhiyi lahaa ee uu fadhiid noqon lahaa, haddii uu shaqaysan karo, dawladdu shaqo ha siiso, oo inta ay deynta ka bixiso, muddo ha u qabato ay mushaharkiisa wax ka goyso, haddii aanu wada bixin karayn na ha kabto. Haddii kale inta ay gashiga ka bixiso, qofka shaqaqaran oo muddo soconaysa ha lagu xukumo, intii uu dhawr sano oo bilaa waxqabad ah xabsi ku jiri lahaa.

WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”

cabdiheersare01@hotmail.com

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker