Xusuustayda Qaraxii Hargeisa, 29 Octoobar, 2008

Waxaan ahaa fasalka todobaad, dugsiga hoose dhexe, 29, Octoobar, 2008. Waxaa laga soo laabtay xilli nusasaacii, maalintaas waan yara daahnay. Waxaan dhexmarayaa fasalkii aan wax ku dhigan la hayn, is la markaas uun baan albaabka ka soo galay. Saaxiibkay Mursal Siciid oo aanu soo wada nusasaacaynayna macalinka ayaa is la markaas hawl u diray oo fasalka muu soo gelin. Waxaan maqalnay gariir iyo jabaq aad u heersarraysa oo si’ dayaana dhegahayaga u luxday. Waanu wada darreenay. Laakiinse, waxa dhacay iyo halka ay wax ka dhaceen iyo sida wax u dhaceen kama warhayno. Waxaa noo bilaabantahay xiisaddii oo Tarbiya ahayd. Waxaana noo dhigaayey ustaad Mukhtaar( Alle haw naxariistee). Sidii ay xiisaddu u socotay waxaa soo dhacay taleefanno xidhiidha, walaw markii horeba teleefanka macalinku is ka mashquul ahaan jiray, hadana beryahaas ustaadku waxa uu sitay simikaadh Nationlink ah oo ay yarayd ba cidda sidatay in laysa soo waca hadalkeeda daaye. Isla markii uu ustaadku samuuradda istaagay waan xusuustaa oo waxa uu bixinaayey dhoollacadayn. Waxa uu ka sheekeyey jihaadka iyo wanaagiisa, faa’iidada uu umadda u leeyahay, gaar ahaan in ay shahiid noqonayaan oo ay dhimashadooda ka dib ku naaloonayaan jannooyinka sarsare ee Alle. Waxa uu far qurxoon ku xardhay samuuraddii madoobayd aayad ku jirta Suuratul Axzaab oo aan markaas macnaheeda si’ fiican u aqaanay. Aayada macnaheedu waxa uu ka dhignaa ‘Mu’miniinta waxaa ku jira rag ka run sheegay waxay Alle kula ballameen, qaar naftooda u huray Alle,  iyo qaar sugaaya’. Waxa uu ka sheekeeyey jihaadka. Waxa uu soo qaatay gaalada iyo gaal kalkaalka ajasha la dhaafiyo. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday badiba aayadaha jihaadka iyo munaafiqiinta ka warramaya. Waxa uu si’ aan kale go’ lahayn u soo qaatay aayadaha jihaadka ee ku jira Baqara. Waxa uu soo qaatay aayadaha munaafiqiinta ka warramaya ee ku jira Aali-cimraan. Waxa uu si’ qota dheer u dul istaagay Suurato Tawba. Waxa uu isbarbardhigay Saxaabadi iyo madaxda Somalida ee markaas talada haysay. Waxa uu tusaale u soo qaatay Sheekh Shariif, doorkiisa jihaadka iyo kaalintii uu markaas(2008) taagnaa.

Xiisaddaasi waxay noo ahayd xiisaddii ugu sanqadha yarayd uguna amusnaanta iyo dhugashada badnayd. Kolkii ay xiisadii dhacday. Waxaa na soo gaadhay in meelo magaalada ah la qarxiyey. Waxaa is-gaadhay qaylada iyo baroorta xaafadihii uu dugsigu ku dhexyaalay. Waa na la sii daayey. Ciyaal baanu ahayne, taw baanu nidhi ilaa Cisbitaalkii Guud ee Hargeisa. Waxaan istaagay dhinaciisa koonfureed waxaa tubnaa boqolaal qof oo raadinaya in cid ay qaraabo yihiin ku waxyeelawday ama kuba geeriyootay. Maalintaasi malahayga waxay ahayd maalin ugu horraysay uguna danbaysay ee aan ka qayb galo goob intaas oo qof ka dul murugaysanyihiin. Dadkoodiina raadgoobayaan geeri iyo nolol waxay kula kulmaan.
Maalintaas anoo la naxsan boqolkan qof ee hareerahayga ka ooyaya ayaan is-wayddiiyey jihaadkii aad u dhegraaricinayseen ma cid aan waxba galabsan buu galaaftay? Kani ma jihaad baa mise waa masiibo rabbi? Dadkani maxay galabsadeen? Gaalku aastaan dadka caadiga uu kaga duwanyahay ma leeyahay si’ aanay masiibadan oo kale u dhicin?.
Maalintaas laga soo bilaabo waxaan yaqiinsaday in dhammaan waxaa jihaadka loogu yeedhi jiray ee ka socday Somalia, iyo Bariga dhexe ay ahaayeen mashaariic dabada laga riixayo, rag gaariina ku maxaafsanayaan.
Sadam Osman Kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker