HEES LOO TIRIYEY QARAXII 29 OCK 2008 EE GILGILAY DALKA SOMALILAND

Hees la yidhaa qarax oo
Xuskii qaraxii hargaysa ku saabsan
By;Abwaan Axmed cabdilaahi maxamud
Axmed fartaag.Doha qadar

Qatar gali naftaadoo
Qof la yidhi rasaas noqo
Qaraxbaa ayaan daran
Qataar sixira loo dhiib
Qarashkii la siiyaa
Qalbigiisa lagu xaday
Qaad furii janadu been
Qalooc iyo caruurtii
Qaar wareeriyaa helay
Qaladbay jihaadeen

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qudha ruux ilaam jaray
Qaadirbaa arkaayoo
Qiil malaha aakhiro
Qubuuraa haduu galo
Qiyaamaa cadaab iyo
Qabrigiisu waa naar

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qantoo xidha

Qorshihii cadaawaa
Qaraxii la beegsaday
Qiiqii cirkaa maray
Qoortii la gooyee
Qayb qayb jidhkoodii
Qurub qurubka loo jaray
Qaniinyada maskii cunay
Qiso yaable sheekada
Qarnigaba wixii dhacay
Qalin buuga lagu dhigay
Qoraalbaan ku haystaa

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qaaradaa aduunkaa
Qaylo dhaan ka muujoo
Qaraxaasi waa halis
Qaanac iyo naftoodii
Quusbay ka joogaan

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qarankana difaacii adag
Quwad ciidan fara badan
Hubka qarada wayn iyo
Qari baanu haynaa
Qilaafkana halaga jiro
Qaladkana ka dhawraay

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qawlkii ilaah yidhi
Quraan iyo axaadiis
Qiray oo rasuulkii<>
Qoom raacay tuu faray
Qurux male aduunkuye
Qiimeeya aakhiro
Qaladbay u laayeen

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Qaaradaa aduunkaa
Qaylo dhaan ka muujoo
Qaraxaasi waa halis
Qaanac iyo naftoodii
Quusbay ka joogaan

Qarax wade qabtoo xidha
Qixiyaa qabtoo xidha
Qaran dumis qabtoo xidha

Waxaan bulshada reer sooliland usheegaayaa dawlad iyo shacab
Mucaarid iyo muxaafidba inay qarannimadooda dalkooda nabad galyadooda
Ilaashadaan.Oo mar danbe aan la dagin guulku waara.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker