Badheedhaha Xirsi, Bariiqashada Maxamuud Xaashi iyo Beer-dhigaalaynta Maxamed Kaahin

Hargeysa (OWN)- Siyaasiga Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu Musharrax u yahay Guddoomiye-nimada Xisbigaasi, xilkaasi oo uu hadda hayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u tartamo Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI, marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga oo muddo yari ka hadhsan tahay wakhtiga la qabanayo.

Dhanka kale, Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa Maanta Xubinimadii Xisbiga KULMIYE ka saaray Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo muddo dhowr ah dibed-joog ka ahaa Xisbiga.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi dheere, ayaa lagu sheegay in fadhi ay yeesheen Guddiga anshaxa ee Xisbigu go’aamiyeen in Maxamuud Xaashi laga saaro Xisbiga, go’aankaasi oo uu ayiday Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Ugu dambayn, dhawaaqa Xirsi ku sheegay inuu u tartamayo Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI iyo Go’aanka KULMIYE lagaga saaray Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku soo beegmaya xilli la qorshaynayo in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed lagu wareejiyo Guddoomiye-xisbul-xaakimka Kulmiye, xilkaasi oo uu hadda hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa xusid mudan inay isku deegaan yihiin Saddexda Siyaasi ee kala ah Maxamuud xaashi Cabdi, Maxamed Kaahin iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker