Gaadiid laga leeyahay Somaliland oo ku xanniban Ethiopia iyo Qaylo-dhaan Xukuumadda Loo diray

Hargeysa (OWN)- Gaadiid laga leeyahay Somaliland oo Shixnado ka qaaday Dekedda Berbera, ayaa ku xaniban meel u dhow magaalada Nazreth ee dalka Ethiopia.

Mid ka mid ah Gadiidlaydii Somaliland ee xamuulka ka qaaday Dekeda Berbera ayaa la sheegay inuu Nin Oromo ah ku jiidhay waddada Astatafare oo u dhaw Magaalada Naasareed, taasina waxa ay sababtay in Oromadu ay halkaasi ku xanibeen Gaadiid badan oo dalka Somaliland laga leeyahay,

Mid ka mid ah Dirawaliinta gaadiidka ayaa sheegay inay Cusbitaal geeyeen Ninka Oramada lana sawiray oo wax Jabniin ah laga waayay, balse ay Oromadii wali haystaan gaadiidkii oo halkaas ku xaniban

Gaadiidkan ayaa soo rogay shixnado ay ka qaadeen Dekeda Berbera, waxaanay dhacdadani qabsatay xilli ay ku soo jeedeen dhinaca Somaliland.

Muuqaalkan Hoose waxaa ka hadlaya mid ka mid ah diwarawaliinta gaadiidka oo baaq u diray Xukuumadda iyo safaaradda Somaliland ku leedahay Ethiopia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker