Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Mareykanka Colin Powell U Geeriyooday xanuunka COVID-19.

Colin Powell oo ahaa madowgii ugu horreeyey ee noqday xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka iyo sarkaalka ugu sarreeya militariga, ayaa dhintay Isniintii isagoo 84 jir ah, isagoo oo u geeriyooday dhibaatooyin uu keenay xanuunka COVID-19.

Powell ayaa si buuxda uga tallaalnaa cudurka COVID-19, sida ay sheegeen qoyskiisa oo qoraal soo dhigay Facebook.

“Waxaan luminay sey cajiib ah, aabbe jeclaa qoyskiisa, awoowe iyo muwaaddin Ameerikaan weyn,” ayay qoyskiisu sheegeen.

Powell wuxuu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka hormuudka u ah madowga Mareykanka muddo tobanaan sano ah. Waxaa xilal sare u magacaabay magacaabay seddex madaxweyne oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isagoo noqdey sarkaalkii ugu sareeyay ee madow oo gaara darajada ciidamada ugu sareysa.

Powell, oo ku dhaawacmay dalka Vietnam, wuxuu soo noqday la-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka intii uu Madaxweyne Ronald Reagan joogay 1987 ilaa 1989. Isagoo ahaa afar xiddigle jeneraal Ciidan ah ayaa wuxuu ahaa guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada ee Wadajirka ah ee militariga xilligii Madaxweyne George H.W. Bush intii lagu jiray Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii kaas oo ciidammada Mareykanku hoggaaminayo ay ka eryeen ciidamada Ciraaq deriskooda Kuwait.

Powell, ayaa madaxweyne Bush-ka yar u magacabay xogyahii arrimaha dibadda, isagoo noqdey qofkii ugu horeeyay ee madow ah oo xilkaasi qabta.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker