Warmurtiyeed Muhiim Ah Oo Kasoo Baxay Shirwaynaha Dhalinyaradda Beesha Arab.

1. Shirwaynaha Dhalinyaradda Beeleha ARABWAYNE Wuxuu Ayidsanyahay In Qaranimadda Iyo Madaxbanaaninadda Somaliland ay Tahay Lama Taabtaan Sidoo Kale Shirkani Wuxuu Dhiiri Galinayaa Nabad Ku Wada Noolaanshaha Iyo Wadajirka Umadda Somaliland

2. Mudadii Shirkani Soo Jiitamayay Wuxuu Soo Maray Maraaxil Kala Duwan waxaana Kahor imanayay Caqabado Farabadan oo Mararka qaar laga dhigayay inuu shirkani yahay mid halis ku ah amniga Iyo Xasiloonida Qaranka taasoo ay faafinayeen dad war xumo tashiila oo doonayay inay isku dhuftaan xukuumadda somaliland iyo dhalinyaradda beelaha ARAB waxaana ilaahay mahadiiya inuu shirkani si nabad galyo ah inoogu qabsoomay islamarkaana ay haayadaha amnigu ku qanceen inaanay waxba ka jirin dacaayadihii laga fidinaayay shirka waxaanu u mahad naqaynaa cidkasta oo door muuqda ku lahayd qabsoomida shirka sida madaxdhaqameedka waxaanu si gaara ugu mahadnaqaynaa guddidii dhexdhexaadinta ee isku soo jiiday xukuumadda, madaxdhaqameedka iyo guddida qabanqaabadda shirwaynaha dhalinyaradda beelaha ARAB islamarkaana mudaysay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee shirkani ku qabsoomay.

3. Shirkan waxa Lagu Doortay Guddi Horumarineed oo ay Yeelan doonto Dhalinyaradda Beelaha ARAB

4. si loo sugo cadaaladda muwaadiniinta somaliland wuxuu shirkani ku baaqayaa in loo sinaado fursadaha maalgalineed, shaqo abuur iyo manaasiibta kala duwan ee qaranka.

5. Shirkani wuxuu xukuumadda somaliland ee uu hogaamiyo madaxwayne biixi ugu baaqayaa in deegaanadda beeshani dagto oo dibu dhacsan la gaadhsiiyo mashaariicda horumrineed ee qaranka sida biyaha, waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka iyo Kaabayaasha kale ee nololeed.

6. Shirwaynaha dhalinyaradda beelaha ARAB wuxuu axsaabta muncaaradka gaar ahaan waddani ugu baaqayaa inuu fulliyo heshiiskii xisbigaasi la galay beesha ee gudoomiyaha xisbiga waxaanay dhalinyaradda beeshu si gaara isha ugu hayn doontaa waxyaabaha kasoo baxa shirwaynaha xisbiga waddani ugu dambayntii wuxuu shirkani umadda somaliland u rajaynayaa inay ku noolaadaan bashbash, barwaaqo iyo horumar taama.

7.Xisbiga kulmiye waxaanu usoo jeedinaynaa in uu ilaaliyo aasaaskii xisbiga iyo kaalintii wada lahaanshiiyeed ee beesha arab ku lahayd xisbiga kulmiye.

8.Beeshu waxay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ugu baaqaysaa in uu si degdeg ah usoo celiyo saamigii ay beeshu kulahayd xukuumadihii ka horeeyey.

 

Axmed aadan Rooble

Afhayeenka Gudiga Shirka dhalinyaradda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker