Safiirka Wadanka Taiwan oo Gaadhi Dab-demis ah ku wareejiyay Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Munaasibad kooban oo ka qabsoontay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa ayaa Safiirka Waddanka Taiwan Ambassador Allen Chengwa Lou gaadhi Dab-demis ah ku wareejiyay ciidanka Dab-demiska Somaliland, waxaana deeqda gaadhiga ah kala wareegay Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, iyadoo goobjoog na uu ahaa Wasiir xigeenka amniga wasaarada arrimaha gudaha Somaliland.
Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay taliyaha ciidanka Dab-demiska oo uga mahadnaqay deeqdan gaadhiga ah dawlada waddanka Taiwan oo xidhiidh wanaagsan oo iskaashi ka dhaxeeyo Jamhuuriyada Somaliland, waxaanuu taliyuhu sheegay in wax badan ka tari gaadhigani hawlgalada ciidanka dab-demiska.
Dhankiisa Ambassador Allen ayaa ka hadlay deeqdan maanta ay soo gaadhsiiyeen ciidanka dab-demiska Somaliland, waxaanuu tilmaamay inay markasta garab taaganyihiin Somaliland, isla markaana sii xoojin doonaan iskaashiga labada waddan.
Ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay wasiir xigeenka amniga wasaarada arrimaha gudaha mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed waxaanuu ku dheeraaday ahmiyada gaadhigani u leeyahay hawl-maalmeedka ciidanka dab-demiska, isagoo sidoo kale bogaadiyay iskaashiga guud ee labada waddan, kaasi oo dhinacyo badan wadanka Taiwan ka caawiyeen Somaliland haday tahay caafimaadka, beeraha iyo isgaadhsiinta waxaanuu wasiirku tilmaamay in la sii xoojiyo iskaashiga.
Ugu dambayn waxaa halkaa ciidanka dab-demisku kula wareegeen gaadhigaas oo wax badan ka tari doona hawlaha iyo gurmadka ciidanka Dab-demiska jsl.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker