Madaxweyne Biixi oo markii ugu horreysay si adag uga hadlay dadkii laga soo raafay Laasacanood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay meel fagaare ah ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay dadkii Somaliland ay ka saartay Laasacanood ayaa eedda dusha kaga tuuray Hay’adda Qarmada Midoobay ee OCHA.

“Aniga waxaan la hadlayaa hay’ada qaramamada ee OCHA oo aad uga hadashay, waxaana filayaa inaanay dadkani ay dan u hayn oo aanay waxba u qabanaynin. Dadkaan waxay halkaan yimaadeen iyagoon waxba haysan oo ceyr ah oo ka yimid Baydhabo iyo meelo ka fog 30 sano ka hor, maalin qur ahna koob biyo may siin, maalina qura bac may siinin, maalin qura kaniin ay kaneecada isaga ilaaliyaan may siinin marka 30-kaas sano maxay u qabteen” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa jawaabo kulul siiyay Maamul Goboleedka Puntland oo aad u soo dhaweeyay dadkii laga soo raafay Laascaanod, sidoo kale Muqdisho ayuu aad u cambaareeyay.

“Gobollada kale ee ka hadlayo ee dhahaya waan soo dhaweyneynaa, waxaan leeyahay 30 sannadood ayay joogeen dadkaan mana jiro qof qura oo ree Soomaali Galbeed ah oo lagu dilay Somaliland mana jiro qof qura oo la dulmiyay oo hanti uu leeyahay laga dhacay oo la hagar-daameeyay. Puntland oo aad gurbaanka ugu tumeeysay maalin qura ayay 17 canug oo 20 gaadhin baa intay soo qabteen ayay yidhaahdeen dil baanu ku xukunay hadana maantuu lahaa waan soo dhaweynayaa.”

Muuse Biixi ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed sannadkasta lagu dilo Boosaaso ama guud ahaan Puntland.

Waxa uu sheegay in Xamar uusan la hadleeyninba oo aanuu  hadalba u quurin isagoo ku sababeeyay in Xamar ay tahay meel maalinkasta lagu daadiyo dhiiga bini’aadanka . “Xamar dadka ugu badan ee lagu laayo waa dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker