”GOBANIMADDU Waa Geed Ku Baxa Dhiiga Geesiga”/ Qalinkii Xildhibaan Ahmed Nour Guruje.

Ninka taswiirtan idiinka muuqdaa, waa Col Axmed macalin Haaruun , oo taariikhdiisa oo kabani tahay sidan.
1967 Ayuu u baxay jaamacad dabadeed oo ah wadanka Ruushka , waxaanu kusoo bartay caluunta ciidamadda milateriga gaar ahaan hogaaminta madaafiicda goobta .
Axmed sidda in badan lagga sheekeeyey wuxuu ahaa arday aad ugu fiican aqoonta gaar ahaan xisaabta iyo fiisigiska , sidaa darteed barashadda madaafiicda markiiba wuxuu noqday ardayga ugu fiican kuliyadii ciidamadda ee uu kasoo baxay , waxaanu kusoo guulaystay abaal marinn laggu xardhay taliskii guud ee ciidamadii soomaaliya .
1970 ayuu kusoo noqday Soomaaliya , waxaanay wada socdeen saaxiibadii , Maxamed xaashi Gaani , Maxamed siciid Moorgan iyo qaar kale , waxaanay noqdeen koorsadii koobaad ee la kowsatay kacaankii october iyo ducfadii koobaad ee maxamed siyaad usoo xidho seminaarkii saraakiisha , garbahoodana ku xidho xidigo isagoo siiyey min laba xidigood .
Mudadii uu ku jiray adeegga ciimadda axmed wuxuu ahaa sarkaal hawl-kara oo ku adag shaqadiisa , waxaanu muddo kooban ku noqday Taliye urur , abaanduule guuto iyo taliye guuto , isagoo markii ugu danbaysay ahaa Taliyaha guutadda Geed-wayne ee Gobolka Geddo oo ka tirsan Gaaskii 6aad ee ciidankii xooga dalka soomaaliyeed .
Xilkaa ka dib , Axmed waxaa loo soo badalay kuliyadii jaalle siyaad ,waxaanu ka noqday barre ka tirsan kuliyadaas oo uu ka bixin jirey casharo ku saabsan madaafiicda .
Markii uu ku jiray shaqadaa barre nimo , ragii ay wax ka wada bari jireen kuliyadda waxaa ka mid ahaa Gen Nuux taani oo bixin jirey casharro la xidhiidha makaanikadda baabuurta , kuliyadaasna ay macalimiin ka wada ahaayeen .
1986 ayuu axmed ku yimi fasax magaaladda Hargaysa , ka dibna waxaa soo dhaweeyey saaxiibkii maxamed siciid moorgan , waxaanu siiyey baabuur iyo shiidaal joogto ah mudada uu magaaladda joogo .
Axmed markuu la kulmay odayashii magaaladda Hargaysa , arkayna xaaladda dadkiisu ku sugan yahay way la noqon wayday in uu ku noqdo shaqadiisii iyo xafiiskii mogdisho , waxaanu goostay in uu ku biiro jabhadii snm , sidaas ayaanu ku gaadhay magaaladda Daroor uu kagga biirey halgankii snm .
Axmed macalin haaruun oo ahaa sarkaal faran jooga oo aan waligii ka shaqaynin xafiis magaalo , wuxuu markiiba hogaanka u qabtay taliska guutooyinkii tawakal iyo alla aamin , ee ku beegnayd Burco iyo Oodwayne .
27-may 1988 , markii snm goosatay in ay gudaha isku tuurto , axmed wuxuu ka mid ahaa ragii uu ku tashaday axmed mirre kuna calool adaygay garab joogoodda ee u raacay magaaladda Burco .
habeenimaddii markii ciidankii snm guuraynayeen , waxa ka horyimi ciidamo aanay filaynin , waxaana lagga baqday in hawl-galku fashilmo , ka dib shir kooban oo ay saraakiishu gasho axmed wuxuu yidhi ” Taarkii itoobiya ee aynu ka soo baxnay imika waa xidhan yahay , kii Burcana waa xidhan yahay , warka ugu horeeyana waxaa gaynaya baabuurtaa ina hor yaacaysa sidaa awgeed aynu isku mar uun Burco wada galo , tiisii baana la isku raacay ”.
Isla maalintaa markii Burco la galay , ciidamadii fadhiyey Cadaadley ururo ka tirsan oo si aada ah u tababaran oo kamaandowsa ayaa gurmad ku yimi Burco , ciidamadaasi markii ay burco gaadheen , waxaa ka hor tagay axmed macalin haaruun , waxaanu hor dhigay difaac kooban , ka dibna mooska Burco ayay difaac ka galeen , dabeeto axmed intuu kaxaystay labba siikaawi ayuun buu mooskii kagga soo wareegay dhinaca danbe , guud ahaan gurmadkii cadaadlayna halkaasuu ku baxay .
Ugu dambayn Axmed wuxuu ku geeriyooday tuuladda ceeg bilcinle ka dib markii snm burco ka baxday , isagoo hogaaminaya ciidamadii snm qaybo ka midda , gobonimaddu waa geed ku baxa dhiiga geesigga .

Waxa Qorey Garyaqaan Ahmed Nour Guruje

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker